XOG: Sababta ay dowladda ugu yeertay Safiirada 8 Dal oo la ogaaday & Wasiir Yuusuf Garaad oo…

XOG: Sababta ay dowladda ugu yeertay Safiirada 8 Dal oo la ogaaday & Wasiir Yuusuf Garaad oo…

daajis.com:- War-Saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada Soomaaliy ayaa waxaa loogu yeeray  in ay Muqdisho ku yimaadaan  qaar ka mid ah Safiirada Soomaaliya u fadhiya Caalamka.

Warka ayaa sheegaya in sababaha Safiiradan loogu yeeray, ay Salka ku hayaan u yeeritaanka Safiiradda:-

1- Safiiradan waxay u badan yihiin kuwo waqti dheer Wakiil uga ahaa Somalia Dalalka kale, Isla markaana uu ka dhamaaday Sharci ahaan Waqtiga Safiirnimo, sida ku cad Xeerka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo dhigaya inuu Safiir Dal joogi karin wax ka badan 4 Sanno.

2- Safiiradda loo yeeray waxay u badan yihiin kuwo aan Dalka imaan muddo dheer, la tashina la samayn Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Sidaas darteed iyadoo ay jiraan Qodobadan ayeey haddana jiraan Qorshayaal kale oo ay Dowladdu ku doonayso inay ku badasho Safiiradda Somalia u fadhiya Caalamka, Taas oo haddaba ay jiraan Shaqsiyaad ku dhow dhow Madaxda Sare oo loo ballanqaaday in Safiiro laga dhigayo, Walibana loo cayimay Dalalka loo magacaabayo. Waxaa sidoo kale Safiiradda qaar lagu qanciyaaa Beelaha saluugsan inaysan Saami ka helin Dowladda Dhexe, Xildhibaano Dowladda Mucaaradsan oo Safiiradda Qaarkood laga yaabo inay keensadaan, iyo in lagu yareeyo Culaysyadda Siyaasadeed ee haysta Dowladda si ugu yaraan Dareenka meel kale loogu jiheeyo.

Madaxwayne Farmaajo ayaa Doorashadiisii kadib waxa uu magacaabay 3 Safiir oo kala ah, Safiirka Qaramadda Midoobay Safiirka Ingiriiska, Safiirka Turkiga, Waxaana Safiiradan ay ahaayeen kuwo ku yimid Magacaabis Siyaasadeed, Maadaama aysan Soo Jeedin Wasaaradda Arrimaha Dibadda, taasoo uu Madaxwaynuhu awood u leeyahay inuu Magacaabo Safiir si iskiis ah, iyadoo aan la marsiin Golaha Wasiiradda, Balse waa Tiro Cayiman.

Safiirada ku yimaada Magacaabis Siyaasadeed waxa uu Xeerka Wasaaradda Dibadda qorayaa in magacaabistooda kadib ay waajib ku tahay inay ka shaqeeyaan Muddo 2 Billood ah Xarunta Wasaaradda Arrimaah Dibadda, ka hor intaysan tagin Dalka loo magacaabay, Si loogu diyaariyo Xilka loo magacaabay, Balse 3 Safiir ee Madaxwaynuhu magacaabay midkoodna Mudadaas kama shaqayn Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Magacaabistooda kadib iyo ka hor toona.
Safiiradan loo yeeray ayaa marka ay soo xaroodaan waxay ka mid noqon doonaan Diblomaasiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Waxaana lagu badali doonaaa Safiiro kale oo qorshaysan in loo magacaabo Safaaraddaha ay joogaan.

Isbadalkan qorshaysan ee lagu samaynayo Safaaradaha loo yeeray Safiiradooda ayaa haddii uu dhaco waxay ka dhigan tahay in markii ugu horaysay Taariikhda ay noqonayso ee Safiiro intaas la’eg ay mar qura badasho Somalia.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada