MUUQAAL: Axmed Madoobe oo go’aan Adag ka Qaatay Khilaafka Maamulada Iyo DF-Soomaaliya ee Arinta Carabta

MUUQAAL: Axmed Madoobe oo go’aan Adag ka Qaatay Khilaafka Maamulada Iyo DF-Soomaaliya ee Arinta Carabta

daajis.com:- Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam oo dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo, kadib safar uu mudooyinkii u danbeeyay ugu maqnaa gobolka Gedo ayaa ka hadlay arimo kala duwan oo ay kamid tahay safarkiisii gobolka Gedo iyo arrinta khilaafka dalalka Khaliijka ee ay dowladda Soomaaliya dhex dhexaadka ka noqotay iyo Go’aanka maamulada Qayb ka mid ah.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay arrinta khilaafka ka dhex aloosan dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ee ku saabsan mowqifka ay ka qaateen khilaafka u dhexeeya dalalka Khaliijka, Wuxuuna sheegay in nabad, wadahal iyo isafgarad lagu dhisi karo dalka, isagoo xusay in khilaafku wax dumiyo balse uusan waxba dhisin.


Madaxweyne Axmed Max’ed Islaam ayaa sheegay in uu doonayo in uu gogol dhigo magaalada Kismaayo, oo ay marka hore kasoo qeybgali doonaan madaxda dowlad goboleedyada dalka, isagoo sheegay in gogoshaasi noqon doonto mid looga hadli doono arimaha taagan.

Waxa uu xusay in marka ay soo idlaadaan kulamadaasi, natiijada kasoo baxda ay ula tagi doonaan dowladda dhexe.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada