MUUQAAL: Siyaasiga Salaad Cali jeelle Iyo Dhiibista Qalbi-Dhagax “Dowladda Soomaaliya Jabhad ma caawin karto”

MUUQAAL: Siyaasiga Salaad Cali jeelle Iyo Dhiibista Qalbi-Dhagax “Dowladda Soomaaliya Jabhad ma caawin karto”

daajis.com:- Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Arrin uu ku sheegay maalmihii la soo dhaafay in si weyn looga hadal haayay Dalka, taas oo u ku aadan Sarkaal dowladda la sheegay in ay ku wareejisay Ethiopia.


Salaad Cali Jeelle ayaa hoosta ka xariiqay in arrintaas ay kar karinayaan Siyaasiyiin iska horkeenaya Shacabka iyo Dowladda.

Waxaana uu ku nuux nuuxsaday in dadka arrintaan ka hadlayay isugu jiraan kuwa Soomaalinimo ay ka tahay oo la marin habaabinayo iyo kuwa dano siyaasadeed ka wata.

Sidoo kale Salaad Cali Jeelle ayaa  tilmaamay in dalka haatan uu ka soo kabanayo Bur bur ayna muuqato Rajo fiican sidaas daraadeed ayuu uga digay shaqsiyaadka Siyaasadeynaya arrintaan si dowladda iyo shacabka la isaga horkeeno in ay ka waantoobaan.

Ugu dambeyn Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliy in ay sii laban laabto dadaalada ay ku soo deyneyso haddii ay jiraan maxaabiis weli ku xiran Xabsiyada Waddanka Ethiopia.

Muddooyinkii dambe ayaa la hadal haayay siyaasiyiin aan ka soo dhex muuqan dowladda haatan oo wada Ololo ka dhan ah Masuuliyiinta dowladda oo taageero ka heysta Shacabka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada