Sawiro: Idaacadda Wareegto iyo shaqsiyaad kale oo lagu qabtay waraaqo digniin ah oo ay Shabaab soo saareen

Sawiro: Idaacadda Wareegto iyo shaqsiyaad kale oo lagu qabtay waraaqo digniin ah oo ay Shabaab soo saareen

daajis.com:-Maxamed Nuur oo loo yaqaan (Idaacadda Wareegto) oo caan ka ah Magaalada Muqdisho iyo laba shaqsi oo kale ayaa lagu qabatay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Dharkeynley  iyagoo wado waaraaqo digniin ah oo Al-Shabaab soo saareen.

Taliska booliska iyo Wasaradda Amniga dowladda Soomaaliya ayaa si wadajir ah u so bandhigay, qalab Daabacaad iyo Waraaqo digniin ah oo ay ku qornaayeen inaysan dhallinayarad kamid ah noqon karin shaqo abuurka uu wado Maamulka Gobolka Banaadir

Raggaan ayaa la sheegay in ay qori jireen warqadaha digniinta Alshabab, sidoo kalana ay heystaan Makiino Daabacaad oo isugu jiray RZ iyo IR sida ka muuqato Sawirada ay soo bandhigeen Saraakiisha.

Waxaa seddexdaas nin ee lasoo qabtay kamid ah shaqsi loo yaqaanay Idaacadda Wareegto kaasoo inta badan Makarafoon la wareego Magaalada isla markaasna iibin jiray waraaqo ay ku qornaayeen Dhacdooyion lala yaab leh oo dhacay iyo Sheekooyinka Arrimaha Bulshada.

Madbacadda la sheegay in raggaan laga soo qabtay ayaa lagu sheegay  INNA FATAX, waxayna ay Ku taalaa Degmada Dharkiinleey.

Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada  

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada