SAWIRRO: Turkiga oo ka farxiyey Haweeney 106 sano jir Qaxooti ah oo laga masaafurinayo Sweden

SAWIRRO: Turkiga oo ka farxiyey Haweeney 106 sano jir Qaxooti ah oo laga masaafurinayo Sweden

daajis.com:- Turkiga ayaa shjeegay inuu qaadanayo haweeney 106 sano jir ah oo laga soo masaafurinayo dalka Sweden kadib markii dalkaasi looga diiday sharci deganaansho.

Haweeneydan oo u dhalatay dalka Afghanistan ayaa u qaxray Yurub iyadoo safar dheer oo dhib badan la martay qaar ka mida caruurteeda sanadkii 2015, waxaana ay iska dhiibtay dalka Sweden oo hadda u diiday sharcigii isla markaana caddeeyay in dalkaasi laga masaafurinayo.

Wasaaradda Arrimaha dibaadda Turkiga ayaa shaacisay in Turkigu sugayo go’aanka ugu danbeeya ee masaafurinta haweeneydan oo ah qofka ugu da’da weyn qaxootiga caalamka oo dhan waxaana lagu magacabaa Bibihal Uzbeki.


Masaafurinta Bibihal Uzbeki ayaa qaadan karta ilaa 7 bilood, waxaana Turkigu ku deeqay inu deganaansho iyo kaalmo siiyo haweeneydan oo aad u il darran hadalkuna dhibka ku yahay iyadoo curyaan ah.
Bibihal Uzbeki iyo qoyskeeda waxay socod ku galeen Yurub sanadkii 2015, iyagoo maray dalalka buuraha Balkans intii aysan gaarin dalka Sweden, waxayna caddeyn u tahay in bani’aadamnimada ay sheegtaan reer Yurub uu shaki ku jiro.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada