SIR LA HELAY: Hawada Somalia oo la xirayo ama loo qeybinayo Labo Dal

SIR LA HELAY: Hawada Somalia oo la xirayo ama loo qeybinayo Labo Dal

daajis.com:- Hey’adda ICAO oo maamusha Hawada Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay xirto Hawada Soomaaliya, iyadoo isku dayaysa inay hor-istaagto qorshaha dowladda Soomaaliya kula wareegeyso maamulka Hawada.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in ICAO ay dooneyso in hawada Soomaaliya labo qeybdood midkood ay sameyso, kaddib markii dowladda Soomaaliya ay cadaadis ku saartay sidii ay u soo wareejin laheyd maamulka Hawada.

Qorshaha ayaa dhigaya in ugu horeyn Hawada Soomaaliya qeyb ahaan la xiro, iyadoo la xadidayo joogaga ay diyaaradaha ku isticmaali karaan Hawada Soomaaliya (Flight Lecel Allocation Scheme)

Sidoo kale qorshaha labaad ayaa ah in Hawada qeybta Badweynta Hindiya xiga loo qeybiyo dalalka Hindiya iyo Seychelles

Arintan ayaa waxaa wada Farac ka mid ah ICAO oo la yiraahdo Air Navigation Bureau, taasoo sabab uga dhigeysa in ay diyaaradaha mara xadka ay Soomaaliya la wadaagto Hindiya aanay maqli karin raadiyayaasha ay adeegsaneyso xarunta Hawada Soomaaliya laga maamulo ee ku taala Nairobi.

Xaruntan ayaa waxaa maamusha hey’adda ICAO, waxaana loo yaqaan Flight Information Service for Somalia (FISS).

Hey’adda ICAO ayaa muddo 25 sano maamuleysa Hawada iyo dakhliga ka soo xarooda, iyadoo la is weydiinayo sababta ka dambeysa in xilligan loo xiro qalab xumo, waxaana layaab ah.

Inkastoo dhowaan magaalada Muqdisho ka bilaabatay rakibaada qalabkii lagula socon lahaa Hawada Soomaaliya, ayaa hadana waxaa la ogeyn sida dowladda Soomaaliya ugu suura geli doonto inay si rasmi ah Maamulka Hawada la soo wareegto, iyadoo dowladdihii hore ay sameeyaan isku dayo kan la mid ah, balse ku guuleysan waayay.

Waxaa hada taagan khatar ah in ay dowladda Soomaaliya lumiso qayb ka mid ah Hawada sare ee dalka maadaama ay ICAO u soo jeesatay in ay aanay Soomaaliya ku wareejin maamulka Hawada, hadii ay dowladu ku adkeeysato arrintan ay ICAO xiri doonto Hawada ama ay qayb ahaan siin doonto wadamada Hindiya iyo Seychelles.

Ugu dambeyn waxaa socda shirar isdaba joog ah oo u dhexeeya ICAO iyo dowladda Soomaaliya, kuwaasoo looga gol leeyahay in xal looga gaaro xiisada ka dhex taagan dowladda iyo ICAO


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada