Shabaabku ma dhoofin karaan macdanta Niyuukleerka laga sameeyo?

Shabaabku ma dhoofin karaan macdanta Niyuukleerka laga sameeyo?

daajis.com:- Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ka codsatay Mareykanka taageero milatari oo deg deg ah sababtuna waxay ku sheegtay mintidiinta Al-Shabaab ay qorsheynayaan in dalka Iraan ay u dhoofiyaan macdanta Yuuraaniyaamta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo dhambaal u diray safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Stephen Schwartz, ayaa sheegay in kooxda mintidka ahi ay qabsatay dhul muhiim ah oo hodan ku ah macdanta Yuuraaniyaamta oo ku yaala bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan Galmudug.

Sida ku cad dhambaalka wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, ujeedada Al-Shabaab ayaa ah in macdantaasi ay u dhoofiso dalka Iraan.

Dhambaalkaasi ayaa lagu sheegay in arrintaasi ay halis ku tahay guud ahaan beesha caalamka, oo ay ku ekaan doonin oo kaliya xudduudaha Soomaaliya.

“Mareykanka oo kaliya ayaa awood u leh in uu ogaado isla markaana uu burburiyo shakhsiyaadka Al-Shabaab ee ka hawlgala dalkayaga,” ayuu Yuusuf Garaad ku yiri dhambaalkiisa.

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray ” Wakhtiga duqeynta bartilmaameedka leh iyo ka qaybqaadashada xaddidan waa la soo dhaafay, maaddaama dhibaatooyinka Soomaaliya ay la falgashay dhibaatooyinka caalamka. Maalin kastaa oo dhammaata iyada oo aanay jirin faragelin ayaa waxaa ay siineysaa cadawga Mareykanka agab dheeraad ah oo loogu talagalay hubka Niyuukleerka.”

Inkastoo xukuumadda Muqdisho ay kaalmo milatari oo deg deg ah weydiisaneyso Mareykanka sababo la xiriira dhibaatada hadda jirta oo ka baaxad weyn ciidamada hawlgalka midowga Afrika ee waddankeeda jooga, haddana waaxda arrimaha dibadda Mareykanka wali kama aysan jawaabin codsiga Soomaaliya.

Haseyeeshee warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in dhambaalkaasi uu soo gaaray waaxda arrimaha dibedda ee Mareykanka.

Khubarada ayaa siyaabo kala geddisan uga hadlay codsiga dowladda Soomaaliya, waxayna qaarkood shaki gelinayaan awoodda Al-Shabaab ay ku dhoofin karaan macdantaasi.

Cabdiqaadir Xaaji Xasan oo ku takhasusay cilmiga kheyraadka dhulka hoostiisa ayaa ku doodaya in ay adag tahay in balse ay suuragal tahay in Shabaabku uu macdantaasi isku dayo in uu dhoofiyo.

“Ciidda iyo macdanta Yuuraaniyaamta in la kala garta waa ay adag tahay, waxayna u badan tahay in Shabaabku uusan haysan qalab iyo khibrad ay ku kala soocaan haddiiba ay jirto,” ayuu yiri Cabdiqaadir oo BBC-da la hadlay.

Cabdiqaadir wuxuu intaasi ku daray “Balse waxay sameyn karaan sida horeyba aan maleynayo in ay u dhacday in jawaanno ka buuxiyaan carrada iyo macdanta oo isku jira dabadeedna ay isku dayaan in ay dibadda u dhoofiyaan.”

Dadka ka faallooda arrimaha Soomaaliya ayaa sheegaya in codsigaasi looga gol-leeyahay in lagu kasbado ciidamo badan oo Mareykan ah in ay ka hawlgalaan Somaaliya oo Al-Shabaab ay hadda ka waddo olole rabshado wata.

Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo wasiir ka soo noqday Soomaaliya, haddana ah agaasimaha machadka daraasaadka ee Heritage ee fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa sheegay in markii ugu horreysay ee uu arkay dhambaalka wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya uu u maleeyay in uu yahay mid been abuur ah.

Balse inkastoo dowladda Soomaaliya ay xaqiijisay jiritaanka dhambaalkaasi, Xaashi waxa uu walaac ka muujinayaa dhowr arrimood oo ku saabsan dhambaalkaasi.

Xaashi ayaa VOA u sheegay “Ugu horreyn, dhambaalkaai waxaa qoray wasiir waxaana loo diray safiir; waxa ay ahaan lahayd in uu u diro dhiggiisa Mareykanka.”

Dhambaalka Yuusuf Garaad Cumar ayaa sidoo kale Al-Shabaab ku tilmaamay in ay xiriir la leedahay Daacish, iyadoo dhab ahaantii muddo dheer lala xiriirinayay Al-Qaacidda, arrintaa oo shaki ka qabo Xaashi.

“Waxay ahayd sidoo kale Al-Shaab la xiriiriyeen Daacish, mana lala xiriirin karayo,” ayuu yiri Xaashi.

Daacish waa magac loo adeegsado in loogu yeero mintidiinta kooxda dowladda Islaamka.

Sheegashada dowladda Soomaaliya ee ah in Al-Shabaab ay xiriir la leedahay Daacish ayaa ah mid aan waafaqsanayn xaqiiqada ka jirta gudaha Soomaaliya, halkaasi oo mintidiinta Shabaabku ay khaarajiyeen taageerayaasha kooxda Daacish.

Al-Shabaab iyo mintidiin daacad u ah kooxda dowladda Islaamka ayuu dhowr jeer gacan ka hadal gudaha Soomaaliya ku dhex marayay tan iyo sandkii 2015-kii.

Mar Xaashi wax laga weydiiyay eedeynta ah in Iraan ay dooneyso macdanta Yuureeniyaanta ee Soomaaliya ayaa ku jawaabay “Waddankani waa mid burburay…. haddii Iraan ay wax uga baahan tahay Soomaaliya, waa suurtagal in ay rumeysan yihiin in ay ka heli karaan sababtoo ah dalkan ayaa ah mid cid kastaa u furan.”

Haseyeeshee Cabdirashiid Xaashi waxa uu leeyahay waxaa suurtagal ah in codsigaasi looga gol-lahaa sidii taageero milatari oo dheeraad ah looga heli lahaa Washington.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciiadmo tiro yar oo tababaraya ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya.

Mareykanka ayaa tan iyo sandikii 2011-kii waxa uu sidoo kale qaaday hawlgallo duqeyn ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaasi oo lagu dilay xubno sar-sare oo ka tirsam Shabaabka.

BBC

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada