Video: Shabaab oo Afar Sano kadib sheegtay inay fuliyeen weerarkii Westgate (Akhriso Tirada dagaalyahanada)

Video: Shabaab oo Afar Sano kadib sheegtay inay fuliyeen weerarkii Westgate (Akhriso Tirada dagaalyahanada)

daajis.com:- 21-kii September 2013-kii Afar sano ka hor maanta oo kale waxaa dhacay weerarkii lagu qaaday xarunta Ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi dalka Kenya.

Weerarkaas oo Shabaab ay ka dambeeyeen wuxuu ahaa midkii ugu khasaaraha badnaa ee lagu qaado Kenya tan iyo wixii ka dambeeyay sanaddii 1998 xilligaas oo uu dhacay weerarkii lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi.

Shabaab oo weerarkan si faah faahsan uga hadlay ayaa waxa ay sheegeen in uu jawaab u ahaa Ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya, qeybna ka ah AMISOM, kuwaasi oo Soomaaliya yimid 2011-kii.

Weerarkii Westgate inta dowladdu sheegtay waxaa ku dhintay 67 qof oo isugu jiray muwaadiniin Caddaan reergalbeed ah iyo dad Kenyaan ah oo xilligaas ka dukaameysanayay dhismaha oo milkiyaddiisa ay leeyihiin ganacsato Yahuud ah.

Xarakada Al-Shabaab ayaa markii u horeysay sheegtay in weerarkii sanadkii 2013 lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate Mall ay fuliyeen afar dagaalyahan , iyadoo horay warbaahinta Kenya ay si iskhilaafsan uga hadleen tirada rasmiga ah ee fulisay weerarkaas oo mas’uuliyiinta qaar ku sheegayeen in 15 qof ay fuliyeen.

Inkastoo Shabaabka ay shaaciyeen tirada raggii fuliyay weerarkii Westgate, hadana ma aysan soo bandhigan magacyada ragga weerarka geystay iyo wadamada ay u kala dhasheen iyo haddii ay nool yihiin intaba


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada