Xog: Dowladda Imaaraadka oo 3 Malyan ku bixisay kacdoonka ka dhanka ah Dowladda Farmaajo

Xog: Dowladda Imaaraadka oo 3 Malyan ku bixisay kacdoonka ka dhanka ah Dowladda Farmaajo

daajis.com:- Dowladda Emirate-ka ayaa xoojineysa cadaadiska saaran madaxweynaha Somali Maxamed C/laahi Farmaajo iyadoo illo wareedyo rasmi ah ay sheegayaan inay Imaaraadka wado olole ay ku dooneyso inay ku riddo dowladda Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka oo adeegsaneyso Xildhibaanada Mucaaradka  oo u badan Damul Jadiid iyo kooxdda Daljir ayaa la sheegay in lagu wareejiyay lacag dhan Saddex milyan oo dollar si cadaadiska ay ugusii badiyaan dowladda iyadoo laga faa’ideysanayo go’aankii ay dowladda ku dhiibtay Qalbi Dhagax oo la sheegay inuu isaga wadahadal kula jiray Itoobiya.

Lacagahan ayaa loogu talo galay laaluushka xildhibaanadda, in lagu abaabulo mudaharaadyo, in saxaafadda lagu kiciyo Dowladda iyo in qaar la siiyo ONLF si aaney uga aamusin arinta Qalbi Dhagax oo ay uga dhigaan mowduuc wadaniyadeed.

Sidoo kale Siyaasiyiinta soo qaatay lacagtaas ayaa adeegsanayo shaqsiyaad macaamiil badan ku leh Facebook si dowladda loo barakiciyo, taasoo muujineyso cadaawadda ay dowladda Imaaraadka u qabto dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah wadani ay doorteen shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Imaaraadka ayaa go’aanka kacdoonkaan bilowday kadib markii dowladda Soomaaliya ay ka biyo diiday inay dowladda Qatar xiriirka u jarto, taasoo ay dalbadeen xulafada Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Dadka falanqeeyo siyaasadda ayaa aaminsan inay arrintaan saameyn weyn ku yeelan doonto mustaqbalka Soomaaliya, haddii aysan shacabka iyo dowladda ka hortagin ololaha ay wado dowladda Imaaraadka Carabta.

Dowladda Soomaaliya ayaa go’aan dhex dhexaad ah ka qaadatay khilaafka ka dhex dhashay dowladaha Khaliijka oo intooda badan xiriirka u jaray Qatar, waxayna xulafadaas siyaabo kala duwan isugu dayeen inay dowladda Soomaaliya ku qanciyaan inay iyadana xiriirka u jarto dalka Qatar oo ah dal Islaam ah isla markaasna xiriir fiican la leh Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada