DAAWO:- Cabdi Maxamuud Cumar oo si yaab leh uga hadlay arinta Qalbi-dhagax oo buuq Dhalisay iyo Fariinta uu diray

DAAWO:- Cabdi Maxamuud Cumar oo si yaab leh uga hadlay arinta Qalbi-dhagax oo buuq Dhalisay iyo Fariinta uu diray

daajis.com:- Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markii u horeysay ka hadlay xaalada jahwareerka dhalisay ee dhiibidii C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo dhowaan dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya, wareysi uu siiyay Telefishinka ESTV waxaa uu ugu horeyn ka hadlay cida uu yahay C/kariin Qalbi Dhagax ?





“C/kariin Qalbi Dhagax waxaa is weydiin mudan waayo, waa nin deegaanka Soomaalida Itoobiya u dhashay oo dambi ka galay, arrintiisa dastuurka dalka ayay u taalaa, C/kariin wuxuu ka mid noqday Booliskii u horeeyay ee deegaanka, dhibaato ayuu geystay, kufsi, dil iyo dhac, duurka ayuu galay, wuxuu ka soo jeedaa degmada Wardheer, arrintiisa iyo xaaladiisa Dastuurka dalka iyo hey’adaha nabadgelyada iyo Mas’uuliyiinta sare ee dowladda Itoobiya ayay u taalaa, tallaabooyinka laga qaadanayo”ayuu yidhi.



Waxaa uu sheegay in cida ka hadlaysa dhiibidiisa ay tahay kuwo dano iyo ajandayaal fara badan leh, qaarkood wuxuu ku sifeeyay inay yihiin kuwo kursi ku doodaya.



“Ninka ka hadlaya C/kariin ee dhahaya 1977 ayuu ku dhaawacmay, muu ka hadlo dadkiisa ee maalin kasta dhaawacmaya, gaar ahaan ciidanka qaranka, kuwa ay Shabaab maalin kasta laayaan oo qaraxa la daba taagan, kuwa dhahaya ninba la dhiibay ee mudaahadaradaya C/kariin waa hal shaqsi, wuu ka nasiib fiican yahay kuwii hore, si nabadgelyo ayuu halkan ku joogaan dastuur iyo sharci ayuu sugayaa, dastuurkaas ayaa wuxuu siiyo luu eeyahay, ee maxaa loo waayay dad Al-Shabaab dadkii ay leysay ka mudaaharaadaya, mey ka mudaaharaadaan Ardaydii qalin jebinayay ee la qarxiyay, kuwa masaajidada lagu dilo, qaraxa maalin kasta dhacaya, maxay maalina ugu mudaaharaadi waayeen” ayuu yidhi.



Mar uu ka hadlayay dadka ku tilmaamaya inay yihiin Soomaali Galbeed ayuu xusay inay dadkaas ay yihiin kuwo ka eegaya goob ay joogaan gaar ahaan Muqdisho. “Deegaanka Soomaalida waa Soomaali weeyaan, waa dad Itoobiyaan ah, marka aad Addis Ababa joogto wuxuu kaa xigaa Bariga Itoobiya, hadaad Muqdisho ka eegtana waa Soomaali galbeed,



Waxaa uu sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay yihiin dad walaalo ah oo xiriir soo jireen ah u dhaxeeyo, isagoo soo hadal qaaday heshiisyo lala galay Madaxdii hore, sida Wasiir Mahad Maxamed Salaad, Maxamed Mursal Geelle, Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, wuxuu tilmaamay in dhamaan heshiisyadaas ay ahaayeen kuwo hada laga jawaabay ee maxaabiistii la sii daayay ay qeyb ka aheyd sida uu yiri.



“Dowladda hada jirta ee Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo, shalay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam ayay ka codsadeen in loo sii daayo 114 dhalinyaro oo halkan dambi ka galay, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu amar ku bixiyay in farta laga saaro, markii la sii daayay waa lagu amaanayay, markaas waxaa laga jawaabayay xiriirkii labada dowladood ee horay u loo saxiixay ee Wasiir Mahad saxiixay, Madaxweyne C/kariin saxiixay, heshiisyaas ayay ahaayeen waxa laga jawaabayo, laakiin in la yiraahdo nin 1977 ku dhaawacmay daw ma ahan”.






Waxaa uu ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka doodaya arrinta C/kariin in ugu horeyn ay mooshin ka keenaan Al-Shabaab iyo dhibaatada ay ka wadaan dalka.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada