XOG:Yaa ka dambeeyay Inuu Fashilmo Howlgalkii NISA ee Dayniile, Maxaase iska badalay Balantii Dowlada ee amaanka Muqdisho?

XOG:Yaa ka dambeeyay Inuu Fashilmo Howlgalkii NISA ee Dayniile, Maxaase iska badalay Balantii Dowlada ee amaanka Muqdisho?

daajis.com:- Ciidanka NISA, qaybtooda ka midka ah Ciidamada Xasilinta Caasimadda, ayaa markale weji gabax kala kulmay hawlgal qorsheysan oo ay ku wajaheen Ciidanka Militariga ee degan Haanta Dheer ee Degmada Dayniile.

Ciidanka NISA, ayaa hawlgal soo booddo u muuqday shalay  ku qaaday Ciidanka Militariga ee ku sugan xaafadda Haanta Dheer, iyadoona uu ujeedkoodu ahaa in hub ka dhigis ku sameeyan ciidankaasi.

Ciidanka NISA, ayaa waxaa la soo sheegaya in aroornimadii hore ee shalay  ay isu ballaariyeen xaafadaasi, iyadoo guri kastana uu askari horjoogsaday, waxayna bilaabeen hawlgal ka dhan ah Ciidanka Militariga.

Dadka deegaanka, ayaa inoo sheegay in iska horimaadku uu kululaaday, ka dib markii Ciidanka Militariga ay gurmad ka helayn militariga kale ee degan qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Hadaba Maxaa keenay Fashilka Ciidamada Xasilinta

Wararkii ugu dambeeyay ee khasaaraha ka dhashay iska horimaadkan, ayaa waxay sheegayan in dhimashadu ay gaartay sideed ruux, halka dhaawacuna uu sideed kale yahay. Afar ka mid ah dadka dhintay waxay ka tirsan yihiin Ciidanka NISA, halka afarta kalena rayid lagu sheegay.



Ciidamada Xasilinta Magaalada Muqdisho oo ay horkaceen kuwa NISA, ayaa bartamihii sanadkan sidaan oo kale fashil ugala kulmay Ciidanka Militariga ee ku sugan Degmada Wadajir, xilli ay doonayeen in ay hubka ka dhigaan.

Sababta ka dambeysa iney ku fashilmaan degmada Dayniile ayaa ah iney howlgalka bilaabeen iyagoo aan lasoo socodsiin maamulka degmada.



Sidoo kale, shacabka ayaa garab istaagay ciidamada maadaama ay mudo dheer halkaas ku sugnaayeen oo ay dadka deegaanka yihiin.

Maxey ka badaleysaa Howlgalkii Xasilinta Muqdisho?

Guuldaradan ciidamada NISA kasoo gaartay Dayniile, waxaa ay niyad jab ku tahay dowlada gaar ahaan Ra’isul Wasaare Kheyre oo lagu eedeyn jiray in deegaanka uu kasoo jeedo uusan sameyn howlgalka.

Waxaa jira warar sheegaya in Taliyaha NISA Sanbaloolshe uu wadahadal la yeeshay RW Kheyre, laakiin uu Ra’isul Wasaaruhu jawaab u waayay sababta dagaalkaas uu udhacay.

Waxaa la filayaa in qaab waan waan ah lagu qaado ciidamada militeriga ah ee ku sugan halka uu dagaalku ka dhacay.



Holwgalkii Xasilinta Miyaa Fashilmay?

Waxii ka dambeeyay Fadeexadii dowlada ka qabsatay Arinta Qalbi-dhagax, waxaa yaraaday howlgalada ciidamada, waxaana soo laabtay falalkii amaan xumada ahaa.

Sidoo kale, ciidamada militeriga ayaa ku xoogeystay qeybo kamid ah Muqdisho, halka amarkii dowlada ee ahaa in madaxda dowlada ay yareeyaan hubkooda aanan la dhaqan gelin.

Dad badan ayaana saadaalinaya in dowladu aysan ilaa haatan ka dhabeyn dhamaan qodobadii ay dhanka amaanka wax uga qaban laheyd


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada