Alshabaab oo Hubka noocyadiisa culus ku rakibaneysa qoybo kamid ah G/Sh/Hoose

Alshabaab oo Hubka noocyadiisa culus ku rakibaneysa qoybo kamid ah G/Sh/Hoose

daajis.com:-  War goordhow naga soo gaaray Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Alshabaab ay wadaan dhaqdhaqaaq dagaal oo ay uga gaashaamanayaan ciidamada dowlada ee lagu diyaarinaayo Degmada Afgooye iyo Lamber 50.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa la xaqiijiyay in dhaqdhaqaaqa ugu xoogan ay kawadaan Degmooyinka Owdheegle, Kurtunwaarey iyo Sablaale oo dhammaantooda hoostaga Gobolka Shabellaha Hoose.

Maleeshiyaadka ayaa Degmooyinkaasi ku rakibanaaya Hubka culus oo uu kamid yahay Hoobiyaha iyo qoryo kale oo waaweyn, sida laga soo xigtay Sargaal ka tirsan Militeriga dowlada oo ku sugan Degmada Afgooye.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa Hubkaasi culus uga gaashaamanaaya duulaanka kaga soo wajahan dhanka dowlada Federaalka oo ciidamo aad u xoogan ku diyaarineysa Saldhigyo ku yaala Degmada Afgooye iyo Lamber 50.

Alshabaab ayaa sidoo kale, dagaalyahaano tubay dhammaan waddooyinka ay dowlada Federaalka u qorsheysay inay mariso ciidamadeeda, si ay isaga caabiyaan ciidamada dowlada.

Mid kamid ah Saraakiisha dowlada ayaa xaqiijiyay in ciidamo dhan Kun iyo Shan boqol oo ka tirsan dowlada lagu diyaariyay Afgooye kuwaa oo qaadi doona weerarka ugu horeeya, halka tirro intaa la eg lagu biirin doono dagaalka inta uu socdo.

Sidoo kale, dowlada Somalia ayaa Degmada Afgooye geysay Khubaro dhanka amaanka ah oo si hordhac ah usii daraaseynaaya sida uu u dhacaayo duulaanka ka dhanka ah Alshabaab.
Ma cadda heerka uu gaarsiisan yahay difaaca ay muujinayaan maleeshiyaadka Alshabaab, balse waxaa muuqaneysa in dowladu aysan u biyo kaban-doonin xagjiriinta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada