António Guterres oo markii ugu horeysay ka hadlay Khilaafka dowladda iyo Maamul Goboleedyada

António Guterres oo markii ugu horeysay ka hadlay Khilaafka dowladda iyo Maamul Goboleedyada

daajis.com:-Xogheyaha guud ee qaramada midoobey António Guterres ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka ka dhex jiro dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada isagoo baaq u diray dowladda iyo Maamul Goboleedyada Soomaaliya.

Xoghayaha ayaa dowladda Farmaajo iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ugu baaqay  in ay ka wada hadlaan  qeybsiga awoodaha, dakhliga iyo kheyraadka, sidaasi waxaa uu ka sheegay shir golaha ammaanka uu ka yeeshay dalalka ay abaaraha ku dhufteen oo Soomaaliya ay ku jirto.

“Golaha ammaanka waxaa uu soo jeedinayaa in Soomaaliya laga taageero dhanka siyaasadda, in xukuumadda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada jira ay wada shaqeyn fiican yeeshaan, iyada oo aan horumar siyaasadeed la gaarin, waa adag tahay in wax laga qabno Banii’aadnimada”  ayuu yiri António Guterres .

“Waxaa kale oo muhiim ah in laga wada hadlo arrimaha federaalka ah sida  awood-qeybsiga, heshiisyada la xiriira dakhliga gudaha iyo sida loo qeybsanayo Kheyraadka” ayuu sii raaciyey.

“Soomaaliya, in ka badan 6 Milyan ayaa si toos ah ugu tiirsan kaalmada Banii’aadnimo si ay nolol u helaan halka hey’adaha gar-gaarka ay ka cabanayaan loolanka, amni darrida, waddooyinka xiran iyo iska daba-wareegga xafiisyada” hadalkaan ayaa sheegay xilli uu la hadlayey golaha ammaanka

Sanadkan 8-dii bil ee ugu horeysay waxaa uu sheegay in la dilay 4 ka tirsan shaqaalaha gar-gaarka halka 100 ka badan ay la kulmeen arrimo dhibaato soo gaarsiiyay.

Xarakada Al-shabaab waxaa uu sheegay in ay heystaan qeybo badan oo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya, iyaga oo ay adag tahay in goobahaasi la gaarsiiyo wax gargaar ah, in ka badan 1.9 Milyan oo deegaannadaasi  ku nool ayaa u baahan in la caawiyo ayuu intaasi ku daray.

Ugu Dambeyntii, dhanka dowladda Soomaaliya waxaa uu ku eedeeyay in ay dhibaatada qeyb ka tahay marka laga hadlayo canshuuraha adag, sharaciyada, howlaha oo aan la dedejin iyo ay dowladda ku heyso magacaabista shaqaalaha gar-gaarka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada