Daawo: Madasha Samatabixinta P.land oo Si kulul uga hadashay Xubno C.wali Gaas ka Xidhay Iyo Sida loola dhaqmay

Daawo: Madasha Samatabixinta P.land oo Si kulul uga hadashay Xubno C.wali Gaas ka Xidhay Iyo Sida loola dhaqmay

daajis.com:- Waxaa maanta Warbaahinta magaalada Garoowe Kula hadlay   Odayaal, Nabadoono iyo siyaasiyiin ka tirsan Madasha Samata Bixinta Puntland,  Waxayna si adag uga soo Horjeesteen Xubno ka tirsan Madasha oo maalintii shalay Xabsiga la dhigay kadib Amar kasoo baxay C.wali Gaas.


Waxay sheegeen in si xun loo Jidh dilay  Dr. Cabdiraxmaan Siciid Dhegaweyne  iyo Daahir Cirro oo horay usoo Noqday Xildhibaan, Kuwaasi oo ka mid ah Madasha Samatabixinta Puntland.

Masuuliyiinta laga Xidhay Waxay xuseen  in lagu xidhay Inay ka hadleen Fikerkooda, oo ay kasoo Horjeesteen Shirkii Kismaayo, waxayna sheegeen in hadii lagu eedaynayo inay Madal sameeyeen, uu C.wali Gaas isaguba Madal kusoo sameeyay Kismaayo, Waxayna sheegeen inaan la Aqbali doonin Shacabka iyo Xoriyada Fikerka oo la Cabudhiyo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada