“Cumar C/rashiid ma sii ahaan karo Senotar ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, maadaama uu dal kale u shaqeeyo” Waxaa yiri…

“Cumar C/rashiid ma sii ahaan karo Senotar ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, maadaama uu dal kale u shaqeeyo” Waxaa yiri…

daajis.com:- Wasiirka dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa weerar ku qaaday ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo hadda ah xubin ka tirsan Aqalka Sare.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay Facebook, ayuu Xoosh Jabriil su’aal ka keenay haddii Cumar Cabdirashiid uu sii ahaan karo xubin ka tirsan Aqalka Sare, maadaama uu caddeystay inuu u shaqeeyo dal kale oo ah Imaaraadka Carabta, inkasta oo uusan magacaabin.

Waxaa si weyn usoo shaac baxday bilihii ugu dambeeyay in Cumar C/rashiid in Imaaraadka Carabta u wakiilatay kala geynta Dowlada dhaxe iyo Maamul Goboleedyada sida aan kasoo xigan illo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Qoraalka uu Xoosh Jabriil, soo dhigay Facebook ayaa u qornaa sidan:-



Waa markii ugu horrey ee xubin ka tirsan dowladda uu si shaacsan ama dadban u sheego in Cumar Cabdirashiid yahay caade qaate iibsanaya dalkiisa, una shaqeeya dal kale oo caddeystay inuu yahay cadowga koowaad ee Soomaaliya ay maanta leedahay.
Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay si rasmi ah baaritaan ugu billaabaan Cumar Cabdirashiid, xilkana ka xayuubiyaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada