Ciidamadda Amisom oo dhaqanka iyo sharfta Soomaalida meel wayn kaga dhacay!

Ciidamadda Amisom oo dhaqanka iyo sharfta Soomaalida meel wayn kaga dhacay!

daajis.com:- Sidaan lo socono ciidamadda nabad ilaalinta u jooga soomaaliya ee Amisom xad-gudubyadda ay ka gaystaan gudaha dalka ma ahan kuwa lasoo koobi karo,waxaana taasi sii dheer iyaga oo habeen iyo maalinba ummadda Soomaaliyeed ku dhibaateeya baratamaha caasimadda Soomaaliya.

Hadabba ciidamadda Amisom gaar ahaan kuwa ka yimid Ugandha ayaa ah kuwa ugu baddan ee tacadiyadda ka geestaha caasimadda soomaaliya muqdisho gudaheed, xadgudubyadaasi ay gaystaan ayaa ah kuwa dhaayaha iyo maqalkaba ka marqaati kici karaan oo waliba muuqaalo laga duubay la hayo.

Muuqaal lagu baahiyay youtube-ka ayaa muujinaya askar kamid ah ciidmadda Amisom oo ka hadlaya dhaqamadda Soomaalidda, wuxuuna askarigaasi ku xadgudbay dhaqanka suuban ee soomaalidda Muslimiinta ah, askariga oo u muuqday in uu saaxiibadii ugu sheekaynayo waxa soomaalidda ay ku dhaqmaan.

Hadii  gabdha Soomalaiyeed gaarto da’da 20 sanno jirka ah, oo aysan guursan waxaa gabdhaasi u tagaya walaalkeed iyadda la dhashay, ilmaha ay dhalaana wuxuu noqonayaa Al-Shabaab.

.

Waxaa sidaasi ku hadlayay waa mid kamid ah ciidamadda Amisom oo u sheekanaya afar kamid ah saaxiibadii, arrintaan ayaa noqonaysa mid xadgudub wayn ku ah dhaqanka suuban ee Soomaalida iyo mida Islaamnimadda, inkastoo aysan jirin cid wax ka qabanaysa arrintaani iyo kuwii ka horeyayba.

Ciidamadda Amisom ayaa dalka u yimid in dowladda Soomalaiya ay ka caawiyaan dhanka amaanka, iyo ka hortaga kooxaha argagixisadda ah, laakiin waxay u muuqdaan kuwa dalka u yimid in ay ku nastaan Soomaaliya, kuna qaataan mushaar aysan ku heli jirin dalkooda.

Hadaba ciidamadda Amisom ayaa soomaaliya guud ahaanba ka gaystay falal kufsi, jirdil, caga jugleen ah ka gaysan jiray, inkastoo hada ay soo baxayso in ay Soomaalidda ka aaminsan yihiin dhaqamadda foosha xun ee lagu arko waddamada reer galbeedka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada