Daawo: Cabdiweli Gaas oo Khudbad ka jeediyey Kalfadhiga Barlamanka Mamulka Puntland,Muxuu ka hadlay?

Daawo: Cabdiweli Gaas oo Khudbad ka jeediyey Kalfadhiga Barlamanka Mamulka Puntland,Muxuu ka hadlay?

daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxa uu furay Kalfadhiga 40-aad ee Golaha Wakillada Maamulka Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa waxaa Furitaanka kalfadhiga 40-aad ee Golaha Wakiilada Maamulka Puntland kala qayb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Mudane. Maxamed Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Cabdi Xaashi Cabullaahi, Ku-xigeenka Guddoomiyaha Aqalka Sare ee DFS.


Guddoomiyaha Golaha Wakiillada `Maamulka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo Ku-xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Fadaraalka Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Puntland, xubno ka socdey beesha caalamka, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Isimo, nabadoono waxgarad, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo khubadiisa dastuuriga ah ka jeediyey furitaanka kalfadhiga 40-aad ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa waxa uu ka hadlay Madaxweynuhu waxqabadka dawladda ee u qabsoomay muddadii u dhexaysey labada kalfadhi ee sanadkan 2017.

Gaas ayaa ugu horeyn ka hadlay waxqabadka xukuumadiisa ay ka gaadhey arrimaha amaanka waxaana uu yidhi Madaxweynuhu.

“Mudanayaal, sida aan wada ogsoonahay guud ahaan xaaladda Amni ee Puntland ee Bilaha Luulyo, Agoosto iyo Sibteembar 2017-ku waa wanaagsanayd, waana deganayd; Hase yeeshee maaddaama ay Punland ka mid tahay dalweynaha Soomaaliya, waxaa marar badan ka dhacay falal fulaynimo iyo gaadmo ah oo ay geysteen kooxaha argaggixisada ah (Alshabaab iyo Daacish) iyo huwantooda, waxaana ka mid ah qaraxyadii la-qabtay, Dagaalkii Af-ururiyo mirtii Kontroroolka Boosaaso” ayuu yidhi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada