Daawo: Dawladda Spain oo kala dirtay Madaxdii Maamul Goboleedka Catalan oo gooni goosad ku dhowaaqay

Daawo: Dawladda Spain oo kala dirtay Madaxdii Maamul Goboleedka Catalan oo gooni goosad ku dhowaaqay

daajis.com:-  Ra’iisul Wasaaraha dalka Spain Mariano Rajoy ayaa kala diray Baarlamaanka goboleedka Catalan, isagoo ku baaqay doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay oo dhaca dhamaadka sanadkan.


Baarlamaan goboleedka Catalan ayaa shalay u codeeyay inay noqdaan dal ka madax banaan Spain, taasoo ka dhalatay jahwareer siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaaraha Spain ayaa sheegay in la baal maray sharciga, waxaana uu xilka ka qaaday Hoggaamiyaha Catalan iyo Golihiisa Wasiirada.

Hoggaamiyeyaasha Caalamka ayaa ka soo horjeestay madax banaanida Gobolka Catalan, waxaana ay taageereen Midnimada dalka Spain.

Todobaadyadii u dambeeyay ayaa waxaa ka jiray Gobolka Catalan dibad baxyo ay dadka ku dalbanayeen madax banaani, waxaana tani ay keentay wal wal ku aadan midnimada dalkaas.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada