Daawo: DFS oo shaacisay in ay saacadaha soo socda ay soo bandhigi doonto xogta Qaraxii soobe

Daawo: DFS oo shaacisay in ay saacadaha soo socda ay soo bandhigi doonto xogta Qaraxii soobe

daajis.com:- Wasiirka Warfaafinta dowlada Soomaaliya ayaa goordhow  soo saaray warbixin hordhac ah oo ku saabsan baaritaanka qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Eng C/Raxmaan Cumar Yariisow ayaa sheegay in hay’adaha amaanka dowladu ay wadaan baaritaankii ugu dambeeyay ee qaabkii qaraxa uu udhacay iyo ninkii fuliyay.

Isagoo ka hadlayay xogta hordhaca ah ee la hayo ayuu wasiirku sheegay in hay’adaha amaanka ay soo bandhigayaan saacadaha soo socda shaqsigii ka dambeeyay qaraxa iyo halka uu bartilmaameedka ahaa.

Sidoo kale, waxaa uu fariin udiray dhalinyarada magaalada Muqdisho isagoo ka dalbaday iney iska ilaaliyaan waxyaabaha keeni kara amaan xumada iyo inuu dhaco qarax kale oo lagu hoobto.

Wasiirka ayaa sheegay in madaxda DFS ay garab taagan yihiin shacabka, ayna aad uga mahadcelinayaan qaabkii ay uga qeyb qaateen gurmadkii Zoobe.

Halkaan hoose ka daawo


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada