Dawladda Somalia iyo QM oo Beeniyey Warqado Been abuura oo laga Faafiyey Somaliland & Siyaasi sheegaya (Daawo)

Dawladda Somalia iyo QM oo Beeniyey Warqado Been abuura oo laga Faafiyey Somaliland & Siyaasi sheegaya (Daawo)

daajis.com:- Xafiiska QM u qaabilsan taageerada Soomaaliya ee (UNSOM) iyo Wasaaradda dowladda Federaalka, ayaa ka hadlay Warqado Been abuur ah oo lagu baahiyay baraha Bulshada iyo Qaar kamid ah Warbaahinta,  Kuwaasi oo loo tiriyey dowladda Soomaaliya.


UNSOM ayaa Boggeeda Twitter-ka ku sheegtay in Been (FAKE) ay tahay Warqad lagu sheegay in Wakiilka QM, Michael Keating u qoray Madaxweyne Farmaajo, taasi oo quseysay doorashada Somaliland.

Warqada ayaa Keating uga jawaabay warqad kaloo la sheegay in Madaxweyne Farmaajo u diray beesha caalamka, taasi oo uga codsaday inay taageeraan Musharaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro.

Keating ayaa qoraalka la been abuuray ugu jawaabay Farmaajo in Beesha caalamka ay ka diiday codsigiisa in Cabdiraxmaan Cirro la teegaaro, maadaama isaga uu yahay shaqsi aaminsan midnimada Soomaaliya.

Warqadan oo soo baxday taariikhdu markay ahayd 3-dii September, ee sanadkan 2017 ayaa sidoo kale lagu sheegay in beesha caalamka ay ixtiraamayso aragtida Madaxweyne Farmaajo ee midnimada Soomaaliya, balse aysan dhinac la safan karin musharaxiinta doorashada Madaxweynaha Somaliland.

Sidoo kale, Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar ayaa isna beeniyay warqad kaloo soo baxday Taariikhdu markay ahayd April 1, 2017, taasi oo uu u diray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar.

Yuusuf Garaad ayaa Sheegay in warkan uu yahay mid la been abuuray, oo aan waxba ka jirin, isagoo tusaale usoo qaatey in sumada Warqada kore lagu qoray dowladda KMG ee Soomaaliya.


Siyaasiyiin iyo Xubno Siyaasaad ahaan uga soo Horjeeda  C.raxmaan Cirro ayaa ka Faa’iidaystay Waraaqaha Beentay, Iyagoo warbaahinta ka sheegay inuu Xidhiidh la leeyahay Dawladda Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada