Deg deg: Somaliland oo Si yaab leh uga Hadashay Sharciga Isgaadhsiinta ee Madaxwayne Farmaajo uu Saxeexay

Deg deg: Somaliland oo Si yaab leh uga Hadashay Sharciga Isgaadhsiinta ee Madaxwayne Farmaajo uu Saxeexay

daajis.com:- Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Maamulka Somaliland Mustafe Faarax Abraar ayaa sheegay in xeerka cusub ee Madaxweyne Farmaajo dhowaan uu saxiixay uusan quseyn dowladooda.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa tilmaamay in xeerka uusan ka shaqeyn doonin deegaanadooda, uuna jiro shaircigooda u gaarka ah. “Xeerar caalami ah baa jiro oo lagu maamulo. Waxaa la ogyahay Soomaaliya (dowladda) gacanta wadanka kuma wada hayso. Marka anaga nagama xiri karaan. Maalin dhowna waxaan sameyndoonnaa wax noo gaar ah oo anagu leenahay.”

Wuxu wasiir Mustafe sheegay in arrintan aysan saameyn ku yeelan doonin shirkadaha gaarka loo leeyahay ee xarumaha ku leh Muqdisho iyo Hargeysa. “Wax dhibaato ah kama soo gaareyso. Waan la socodsiinay madaxdooda”, ayuu yiri wasiirka.

“Xagga isgaarsiinta, waxaan ka wadahadalnay iyo wax inaga dhexeeyo ma jiraan. Waxaan markale ku celinayaa, xeerka madaxweynaha Soomaaliya uu saxiixay, Nama quseeyo,” ayuu hadalkiisa ku adkeeyay.


Sharciga Isgaarsiinta ayaa muddo fog hor-yaalay Baarlamaanka, iyadoo marxalado kala duwan soo maray, hasse ahaatee baarlamaanka 10-aad ayaa ku guuleystay inuu meel mariyo sharcigan, Wuxuuna Saamayn toos ah ku leeyahay Dhamaan Shirkadaha isgaadhsiinta dalka, Waxaana Xusid mudan inay dhamaan o Isticmaalan Furaha Soomaaliya ee 252.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada