DEG DEG: Weerar xalay lagu qaaday koontarool ku yaala duleedka Boosaaso

DEG DEG: Weerar xalay lagu qaaday koontarool ku yaala duleedka Boosaaso

daajis.com:- Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday Koontarool ku yaala duleedka magaalada Boosaaso, oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaad muddo socday uu ka dhacay koontaroolka, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yarana saddex askari ayaa ku geeriyootay, halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen iska hor imaadka oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka Boosaaso ayaa sheegaya inay xalay maqlayeen rasaas iyo hub culus oo ka dhacayay koontaroolka ay ku sugnaayeen ciidamada.

Ma jirto illaa iyo hada koox sheegatay iska hor imaadkan, hase ahaatee waxaa weeraro horay uga dhacay Boosaaso sheegtay Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada