Gaari looga Shakiyey Walxaha Qarxa oo Yaala Degmada Xamar Weyne.

Gaari looga Shakiyey Walxaha Qarxa oo Yaala Degmada Xamar Weyne.

daajis.com:- Wararka Ka imaanaya Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Gaari Nuuca Xamuulka ah loogan shakisan yahay in uu wado Walxaha Qarxa lagu arkay Degmada Xamar Weyne.

Gaariga ayaa ah (UD), Soomaalidane ay u Taqaan Candho-meedlaha, Waxaana lagu arkay Isgoyska Ceel gaabta isaga oo Raran, isla Markaana Yaala Meel Hareeraha Laamiga.

Ciidamada Amaanka Dowladda ayaa la sheegayaa in ay Xireen Wadooyinka ka agdhaw, waxaynu wararku sheegayaan in la xiray Goobaha Ganacsiga ee aanan sidaa ugu fogeen halka Gaariga uu Yaalo, waxaanaana sidoo kale la leeyahay Xaafadaha qaar dadkii Degenaa ayaa ka barakacay si aysan waxyeelo ugu soo gaarin Gaarigaasi, waloow Tuhun oo kaliya laga qabo gaariga.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda oo Goobta Gaaray ayaa wada Baaritaano lagu sameynayo Gaariga, maadaama la Tuhmay in ay Saaran yihiin Walxaha Qarxa, inkastoo aanan Xaqiiqo loo heyn in Gaariga Qarax uu saaran yahay iyo in kale.

Dadka qaar oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegaya in Shakiga uu ku beermay kadib markii ay waayeen Cid la joogta ama Wadada Gaariga oo Saacado Goobta yaalay, Ciidamada amaanka Dowladda ayee kadib ku wargeliyeen in Gaarigaan ah Nuuca Xamuulka ah ay ka shakiyeen.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa Hakisay Gaadiidka Xamuulka ah ee Dekeda Muqdisho kasoo baxa iyo kuwa Gala, tan iyo inta laga soo gaba-gabeynayo Howlaha lagu baarayo dhismaha ku bur-buray Qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe 14-kii Bishaan.

Waloow Dekeda Muqdisho Gawaarida Xamuulka ah ee Gala ay Gaadiidleyda Dhigtaan Ceel Gaabta, Halkaa oo loogu yeeriyo Lambarada ay Ku galayaan Marsada Muqdisho.

La soco wixii kasoo kordha:

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada