Khilaaf cusub oo soo kala dhax galay Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan labada gole ee Jubaland

Khilaaf cusub oo soo kala dhax galay Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan labada gole ee Jubaland

daajis.com:- Wasiirka Amniga, Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Gudaha Jubbaland, C/raxmaan Maxamed Xuseen iyo 11 ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland, ayaa labadii cisho ee la soo dhaafay kulamo la lahaa Madaxweynaha Jubbaland iyo Kuxigeenkiisa Maxamuud Sayid Aadan, iyagoona ugu baaqayay in laga noqdo martigelinta shirkaasi.

Labada dhinac, ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii kulankii ugu dambeeyay ku yeeshay Guriga Martida ee Magaalada Kismaayo, waxaana uu Madaxweynaha Jubbaland cadeeyay inaanan marnaba laga laaban doonin gogosha ay dhigeen Kismaayo. Axmed Madoobe waxa uu sheegay in gogosha Kismaayo ay tahay mid ay Madaxda Maamul Goboleedyada uga arrinsanayan doorkooda ku aadan Dastuurka Dalka iyo doorka dowladda, wixii ka soo baxana ay ula taggi doonaan dowladda, isagoo intaa ku daray inaanan loo baahnayn in la siyaasadeeyo gogosha uu dhigay Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Ilo wareedyo, ayaa sheegaya in Wasiirka Amniga oo hadalka qaatay uu kulankaasi ka sheegay in aysan Jubbaland xaq u lahayn inay qabato shir ceynkaasi oo kala ah, cidda keliya ee qaban kartaana ay tahay Dowladda Dhexe, loona baahan yahay in looga dambeeyo. Dood dheer ka dib waxaa la xaqiijiyay in labada dhinac ay ku kala dareereen Guriga Martida.

Wasiirka Amniga Jubbaland iyo xubnihii ku safka ahaa, ayaa isla shalay galab diyaarad ka raacay Magaalada Kismaayo, iyagoona gaaray Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Wasiir Janan iyo xubnaha kale ee wehlinaya, ayaa maanta Degmada Doolow kulan kula leh Odayaasha Dhaqanka iyo waxgaradka kale ee deegaanka, waxaana la fillayaa inay ugu baaqi doonaan inaanan la taageerin shirka Kismaayo.

Wasiir Janan, ayaa ka mid ahaa Wasiirada Jubbaland ee sida aadka ahi loola xiriiriyo Madaxweyne Axmed Madoobe, waana markii ugu horeysay oo ay kala mowqif noqdaan dhawrkii sano ee la soo dhaafay, oo ay wada shaqaynayan.

Xukuumadda, ayaa abaabushay xubno uu ugu muhiimsan yahay Wasiirka Amniga Jubbaland, C/rashiid Xasan C/nuur (Janan), si ay uga horyimaadan shirka maalinta Axada lagu wado in uu Magaalada Kismaayo uga furmo Maamul Goboleedyada.
Xukuumadda oo siyaasad adag la timid, ayaa waxay iska horkeentay oo ay madaxa isu gelisay Madaxda Maamul Goboleedyada qaarkood, iyadoo la’ogyahay wixii kala qabsaday Madaxda Galmudug & Puntland. Waxaana soo baxaya warar sheegaya in xukuumadda ay iminka xusulduub ugu jirto, sidii ay ku kasban laheyd Wasiiro Maamulka Koonfur Galbeed ka tirsan oo qaadaca shirka Kismaayo, inkastoo ay taasi hadda u muuqato mid adag, xilliga uu furmayo shirka Kismaayo oo hal maalin ay inaga xigto.

Dadka odoroso siyaasadda dalka, ayaa waxay qabaan haddii uu guuleysto qabsoomidda shirka Kismaayo, in uu dhabar jab ku noqon doono Dowladda Dhexe, sababo ku aadan, iyadoo u aragto inuu meesha ka baxay doorkeedii hogaamineed ee maamulidda dalka.

Dowladda Dhexe & Maamul Goboleedyada, ayaa asalka khilaafkoodu wuxuu ka dhashay markii Puntland, Galmudug & Koonfur Galbeed, ay taageereen isbahaysiga Sacuudiga, ee ay is hayaan dowladda yar ee Qatar, xilli Dowladda Dhexe ay cadeysay in ay dhexdhexaad ka tahay xurgufta u dhaxeysa dowladaha walaalaha ee Carbeed.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada