Habar Gidir miyaa diidan Dowladnimada Soomaaliya? (Faalo xiiso badan)

Habar Gidir miyaa diidan Dowladnimada Soomaaliya? (Faalo xiiso badan)

daajis.com:-inta anan u uguda galin qoraalka waa humiim in aan fahanno in ra’iisal wasaaruhu yahay mid matala Hawiye marne Soomaali, hadduu xumaado waxa uu noqonayaa Cali Maxamed Geeddi oo kale hadduu fiicanadane waxa uu noqonayaa Nuur Cadde oo kale. Raisal wasaaraha xumaantiisa iyo wanaaggiisa waa mid isaga ku gaar ah oo u gudbin meynno jilibkiisa hoose, sidaas daraadeed yeysan jirin cid eeddiisa u saarto qabiilkiisa ama cid ku difaacato in ay iyagu gaar u leeyihiin.

Kooxo isaga kacsan beesha Habargidir ayaa faafinaya in beeshu diiddan tahay ama ku kacsan tahay guud ahaan doowladda gaar ahaan Raisal wasaare Kheyrre iyaga oo ku mucaaradaya hab qabiil. In kasta oo uu Ra’isal Wasaare Kheyre ku matalo kursiga Hawiye, beesha Habargidirna ka mid tahay Hawiye, hadane Murursade ayaa iyane arintaan aad u rumeeystay sabab la’aan.

Mid ka muhimsan in la wada garwaaqsado waan jeclaan lahaa oo ah, in xaq iyo gar tahay in la mucaarado lana dhaliilo waxbqadka dawladdda iyo madaxda xilalka haya, haddaba waxaan halkaan hoose ku faahfaahin doonaa in beesha Habargidir mucaaradnimadeeda doowladdu tahay mid run ah.

Marka ugu horreysa Soomaaliya kama jiro qabiil wada siyaasi ah oo siyaasadda waxaa ku shaqaysto shaqsiyaad gaar, sidaas ayaan beesha Habargidir oo guud loo wada dhihi karin waxbey hal mar wada mucaaradsantahay ama wada taageersantahay.

Beesha Habargidir waxaa ugu jira Baarlamaanka Soomaaliya aqalkiisa hoose iyo kan kore 16 xildhibaan iyo afar Sanatar, labaatankaas xildhibaan waxaa doowladda mucaarad ku ah inta la hubo afar xildhibaan oo kala ah Axmed Fiqi, Mahad Salaad, Abshir Bukhaari iyo Saabir Shuuriye. Lix iyo toban xildhibaan oo ku abtirsada beesha ayaa taageersan xukuumadda raisal wasaare Kheyrre oo hiil iyo hoo la garab taagan. Ma jiro qabiil maanta intaas oo xildhibaan doowladda ka taageersanyahay, haddaba su’aasha is weeydiinta mudan ayaa ah maxaa taageerada xildhibannadaas loogu jeedi la’yahay oo loo arkaa afar xildhibaan bis?.

Maadaama doowladda Soomaaliya ku dhisantahay awood qeybsi beeleed raisal wasaare Kheyrre ku matalo kursiga beesha Hawiye waxa ay aheed in uu ka xigsado doowladda beelaha Hawiye. Lixdii bilood oo ay dhisneed dowladdani waxa ay beegsiyo ilu qabata ah u geysatay beesha Habargidr taas oo ay daremeen shacabka caadiga ah ee aan siyaasadda ka shaqeeysan. Gafafka Habargidir lagu beegsaday ee dadku u wada jeedaan waxaa ka mid ah kuwaan soo socda oo runtii dhammaantood ah wax laga garaabi karo.

1: Si sharci darro ah ayaa xilkii looga tuuray agaasimihii wasaaradda warfaafinta Bahlaawe.

2: Dilkii wasiir Cabaas Siraaji oo si kama’ ah ku dhacay waxaa xilka sifa sharci darro ah looga qaaday hanti dhoowrihii qaranka Nuur Faarax iyada oo dable Caydiid xukun aan cadaalad ahayn lagu riday waline uu xabsi ku jiro, oo dil suge yahay.

3: Weerarkii ciidanka doowladda iyo kuwa mareeykan ah oo si qaldan saraakiisha doowladdu u soo hoggaamisay kaas oo lagu laayay beeralaydii beesha ee deegaanka Barriire, ka dibna la yiri waxaan dilnay Alshabaab, haddana tacsi dirtay dawladda, haddana tiratay, haddana ay tiri labo weerar ayaa dhacay, oo been ah, haddana masuuliyaddeeda dawladeed qaadan waysay. Ceeb.

4: Soo qafaalashadii Qalbidhagax oo ahaa nin beesha HG magan iyo xidid u ah oo laga soo qafaashay dhexdooda taas oo sumacad darro ku ah gabdhaha beesha.
5: Weerarkii dad maras ah oo beesha HG u dhashay lagu qaaday saq dhaxe iyaga oo hurda degaanka Haanta dheer ee Xamar, kaas oo dad badan lagu laayay.

6: Burburinta maamulka Galmudug oo dhisiddiisa laga soo maray dhib badan iyada oo lagu heysto madaxweeyne Xaaf maxaad Dubai u aadday isaga oo ahaa madaxwaynihii ugu danbeyay oo halkaas tagay oo ay uga horreeyeen Cabdiwali Gaas iyo Shariif Xasan.

9; Waxaa ugu danbeeysa xasuuqii loo geystay dhallinyaro ciidanka qaranka ka tirsanaa oo garayay 50 tameeyo oo Shabaab ku laayeen degaanka Bariirre kuwaas oo ciidankii AMISOM uga soo dhuunteen degaankaas intay geeyeen. Doowladdu ilaa hadda wax tacsi ah kama aysan dirin dhacdadaas.

Waxaan walaalaheen beesha Mursade u sheegeynaa in ay yihiin curadkii Hawiye mudanyihiin xilka ra’iisal wasaare iyo mid madaxweeyene intaba oo aysan jirin Habargidir abaabulan oo iyaga dhib u haysta, waxaan kale oo aan u sheegeyaa Habargidirta dhib kasta oo dowladda xagooda ka soo gaarto in aysan walaalahood Mursade shaqo ku laheeyn oo ay eedda la aadaan guud ahaan dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo.

Si la mid ah Habargidir sida dulmane haddii ay u cabato ka ma dhigna in ay dawlad diiddan tahay, ee dhibka soo gaaraya ayey waxay dawladda ugu codsanaysaa habab ilbaxnimo iyo ku jirto garasho sare in ay hesho xaqeeda ka muhimsane laga daayo tacaddiyada abaabulan iyo xad gudubka si gaar ah beesha Habargidir loola beegsanayo iyadoo la adeegsanayo awooddii iyo magacii dawladda.

Ma jirto beel soomaaliyeed oo intaas oo dhib ah isugu darsameen lix bil gudaheed, haddana la wada leeyahay waxaad duminaysaan dawladdii. War dawlad warsaxaafadeed ama waraysi siyaasi ku dumee maxay eheed? Waxaa hubaal ah haddii beelaha qaar dhibka lagu la kacay lagu samayn lahaa in ay si kale uga warcelin lahaayeen. HABARGIDIR GOB.

W/Q: Cali Cilmi Guure

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada