Kulan deg deg ah oo La isugu yeedhay Golaha Wasiirada Xuukmadda Somalia

Kulan deg deg ah oo La isugu yeedhay Golaha Wasiirada Xuukmadda Somalia

daajis.com:-Shir deg deg ah ayaa la isugu yeeray Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, iyadoo laga yaabo inuu ka soo baxo go’aano la xiriira amniga, kaddib qaraxii shalay lagu weeraray Hotelka Naasahablood 2.

Warar ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in shirka uu horu-dhaciisa uu shir guddoomin doono Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, kaddibna uu ku soo biiri doono Ra’iisul Wasaare Kheyre oo hada ka qeyb galaya shir u socda Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in dhici karto in tallaabooyin amni ay ka soo baxaan, maadaama labo todobaad gudahood uu magaalada ka dhacay weeraro.

Waxaa soo baxaya doodo adag oo ka taagan habka sugida amniga Caasimada iyo sida aanay hey’addaha ammaanka wali u qaadin wax mas’uuliyad ah labadii weerar ee u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Lama oga in tallaabooyinka la qaadi doono inay ka mid noqon doono kuwo xilalkooda ku weyn doonaan saraakiil amni iyo in kale.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada