Mareykanka oo Diyaarad Militari ku keenay Muqdisho gurmad Caafimaad

Mareykanka oo Diyaarad Militari ku keenay Muqdisho gurmad Caafimaad

daajis.com:- Dowladda Mareykanka ayaa Somaliya u soo dirtay diyaarad Militari oo sida daawooyin gargaar caafimaad ah si loogu caawiyo shacabka Somaliyed ee qaraxii wuxuushnimada ahaa lagu baabi’yay.

Diyaaradan ayaa soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, waxaana laga dejinayaa gurmadka dawooyinka ah ee Bulshada Somaliyed ay ugu talo galeen.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya ayaa ku sugan Garoonka Aadan Cadde, kuwaasi oo u jooga sidii ay ula wareegi lahaayeen gurmadka dawooyinka ah ee Dowladda Mareykanka ay keentay Somaliya.

Tan iyo shalay waxaa isa soo taraayay gurmadka kala duwan ee Dowladaha caalamka u fidinayeen shacabka Somaliyed ee masiibada qaraxa ku halaagsamay.

Dad gaaraya 300 oo qof ayaa ku geeriyooday qaraxii masiibada ahaa ee ka dhacay Isgoyska Zoobe, halka ay ku dhaawacmeen dad tiradooda ay kor u dhaafeyso 400 oo ruux oo dhamaantood shacab ah.

Bulshada Somaliyed ayaa muujiyay kaalintooda ku aadan garab istaaga shacabka dhibanayaasha ah ee waxyeelada ay ka soo gaartay qaraxii lagu xasuuqay ee Zoobe ka dhacay.

Dowlado kale oo ka mid ah kuwa caalamka ayaa laga sugayaa inay gurmad la soo gaaraan Somaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada