Daawo:- Dhaawacyadii laga Qaaday Muqdisho oo gaadhay Turkiga

Daawo:- Dhaawacyadii laga Qaaday Muqdisho oo gaadhay Turkiga

daajis.com:-Waxaa xalay fiidkii ka dagay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga diyaarad siday dhaawacyada 35 ruux oo ka mid ahaa dadki si daran ugu dhaawacmay weerarki Sabtidi hore ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Diyaarada siday dhaawacyada ayaa waxaa magaalada Ankara kusoo dhaweeyay Saraakiil iyo diblamaasiyiin isugu jira Soomaali iyo Turki.

Dadka gaaray Garoonka Ankara ee soo dhaweynaayay dhaawacyada iyo dadkii la socday ayaa waxaa kamid ahaa ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Turkey oo ay ka muuqatay qiiro aan lasoo koobi karin.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga Jaamac Cabdullahi Caydiid, Shaqaalaha Safaarada  iyo Madax ka tirsan Dawlada Turkiga ayaa garoonka ku Qaabilay, Waxayna sheegeen inaysan  ka go’i doonin  Qalbigooda dhacdadii ka dhacday Muqdisho, iyagoo tilmaamay inaysan ka daali doonin is garabtaaga dhaawacyada iyo ehelada la socda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada