MUUQAAL: Beesha Degta Cadaado oo Go’aan adag kasoo saartay Doorasho Lagu qabto iyo Xiisada Galmudug

MUUQAAL: Beesha Degta Cadaado oo Go’aan adag kasoo saartay Doorasho Lagu qabto iyo Xiisada Galmudug

daajis.com:- Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Saleebaan ee Habargidir, ayaa waxay diideen in wax doorasho ahi lagu qabto Magaalada Cadaado, illaa iyo inta lagu kala baxayo Dastuurka Galmudug.


Ka dib kulamo ay Odayaasha Dhaqanka ku lahaayen Magaalada Cadaado, ayaa waxay soo fara-geliyen xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada, iyagoona caawa soo saaray bayaan shan qodob ka kooban.

Odayaasha Reer Cadaado ayaa caawa ka hadlay Qilaafka Galmudug Waxayna Kasoo Saareen War Saxaafadeed ka Kooban 5 Qodob.

1 in Cadaado aan madaxweyne lagu dooran inta laga xalinayo xiisada siyaasadeed

2 in lagu kala baxo Dastuurka u yaala Galmudug

3 in amniga magaalada Cadaado uu yahay lama taabtaan

4 in madaxweynaha uu furo garoonka diyaaraha Cadaado

5 in dowlada Somaliya ay ka shaqeyso hormarka Galmudug oo aysan ka shaqeyn dib u dhaca Galmudug.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada