MUUQAAL: Weerarkii ka dhacay dalka Canada Iyo Nin Soomaali ah oo Lagu Eedeeyay inuu ka dambeeyay

MUUQAAL: Weerarkii ka dhacay dalka Canada Iyo Nin Soomaali ah oo Lagu Eedeeyay inuu ka dambeeyay

daajis.com:-  Nin Soomaali ah oo kunoolaa dalka Canada ayaa loo xiray weerar loo adeegsaday gaari iyo toorey oo ka dhacay magaalada Edmonton, ee gobolka Alberta.

Warbaahinta dalka Canada ayaa baahisay in weerarka uu fuliyay nin 30-sano jir asalkiisu Soomaali yahay balse aan magaciisa la shaacin, waxaana ninkan la tuhmayaa in uu xariir la lahaa kooxda islaamiga ee Daacish.

Ninkan ayaa weerar ku qaaday sargaal booliiska katirsanaa una geestay dhaawac, waxa uu sidoo kale ninkan dhaawacay afar qof oo kale kuwaa oo marayay goob wado ah, ciidamada booliiska ayaana markii dambe ninkan gacanta ku dhigay xabsina u gudbiyay.


Ra’iisla wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkan uu fuliyay ninkan Soomaaliga ah , waxa uuna ku tilmaamay weerar argagixiso ay ka dambeeyeen kooxo manaxayaal ah.

Ninkan Soomaaliga ah ee weerarka ka geestay dalka Canada ayaa wajahaya dacwado la xariira argagaxiso iyo isku day dil, waxaana ninkan hadii dambiyada loo heesto lagu helo wajahayaa xabsi adag.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada