MUUQAAL: Xaaskii Hore ee Trump oo Sheegtay Inay Tahay Marwada Koobaad

MUUQAAL: Xaaskii Hore ee Trump oo Sheegtay Inay Tahay Marwada Koobaad

daajis.com:- Xaaskii hore ee madaxweyne Donald Trump ee Ivana, ayaa Isniintii ku kaftantay inay tahay marwada koowaad maadaama ay ahayd xaaskii u horreysay ee Trump,   Iyadoona   Melania Trump oo ah marwada koowaad ee dhabta ah ayaaney arrintaasi farxad galinin.


Wareysi ay warbaahinta ABC barnaamijkiisa Good Morning America, la yeeshay Ivana Trump ayay ku sheegtay in inkastoo ay haysato telefoon toos ah oo ay Aqalka Cad kula hadasho, ay haddana isku dayeyso inaysan aad u wic wicin ninkeedii hore, maxaa yeelay bay tiri “ma doonayo inaan keeno wax hinaaso ah ama wax la mid ah maxaa yeelay waxaan ahay marwadii u horreysay ee Trump. waxaan ahay marwada kowaad waa sax.

Afhayeenka Afhayeenka Melania Trump, Stephanie Grisham, ayaa hadalkan ugu yeertay “inuu yahay mid lagu raadinayo in lagu soo jiito indhaaha shacabka.

Grisham ayaa sheegtay in marwada koowaad “ay jeceshahay inay ku noolaato Washington, DC sharfna ay u tahay doorka u yeelatay inay noqoto marwada koowaad ee Maraykanka. Iyadoo sheegtay in Malenia ay qorsheyneyso in darajadeeda iyo doorkeeda ay u adeegsato inay ku caawiso carruuta, laakiin aanay ku iibin buugaag.

Madaxweynuhu waxa uu guursaday Ivana Trump sanadkii 1977-dkii waxaana ay kala tageen 1992-dii. Waxa ay isu dhaleen saddex carruur ah oo kala ah, Donald Trumka yar, Ivanka iyo Eric.

Ivana Trump ayaa hadda wadda buuggeega cusub ee ay uga hadleyso korinta ilmaha Trump ee la yiraahdo Raising Trump,

Melania waa xaaskii saddexaad ee uu guursado Trump iyo hooyada Barron Trump.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada