Muuqaal+Warbixin: Nin Qorsheynayay Inuu Dilo Madaxweynaha Ruushka, oo La dhaawacay iyo Xaaskiisa oo la dilay

Muuqaal+Warbixin: Nin Qorsheynayay Inuu Dilo Madaxweynaha Ruushka, oo La dhaawacay iyo Xaaskiisa oo la dilay

daajis.com:- Nin u dhashay Chechnya oo lagu eedeeyay in uu qorsheynayay siduu u dili lahaa madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa la dhaawacay, xaaskiisana waala dilay ka dib markii gaari ay wateen lagu weeraray magaalada Kiev ee dalka Ukraine.


Adam Osmayev “waxaa gaaray dhaawac fudud” markii rasaas lagu furay gaarigiisa, sida uu sheegay lataliyaha wasiirka amniga gudaha ee Ukraine, Anton Herashchenko.

Wuxuu sheegay in xaaskii Osmayev oo lagu magacaabay Amina Okuyeva ay dhimatay intuu weerarka socday.

Sanadkii 2012-kii, saraakiisha Ruushka waxay sheegeen in Mr Osmayev looga shakiyay in uu qeyb ka ahaa koox Islaamiyiin ah oo qorsheynayay dilka madaxweyne Putin.

Warbaahinta Ruushka ayaa ku warramay xilligaa in qorshaha uu ahaa in miinooyiin lagu xiro fagaaraha Kutuzovsky ee Moscow, oo Mr Putin oo maalin kastaa tagi jiray.

Warqad ka socotay Ruushka ayaa Ukraine lagu weydiistay in ay Moscow ku wareejiso Mr Osmayev – balse maamulka Kiev ayaa diiday dalabkaas.

Waxay sheegeen in maxkamadda xuquuqda aadanaha ee Yurub ay ka sugayaan in ay go’aan ka gaarto masaafurinta ninkaas.



Bishii June ee sanadkan, wuxuu ka badbaaday iskuday dil oo ka dhacay Kiev. Ninkii weeraray waxaa dhaawacday xaaskiisa Amina Okuyeva.

Lamaanahan ayaa si wayn looga garanayaa dalka Ukraine, ka dib markii ay dagaalka ku caawiyeen militariga dalkaas ee la dagaallamaya mucaaradka taageerada ka hela Ruushka.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkan lagu qaaday ninka lagu eedeeyay in uu “dili rabay” madaxweyne Vladimir Putin.

Weerarkan wuxuu imaanayaa isbuuc ka yar ka dib markii weerar qarax lagu dhaawacay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ukraine.
Waardiyaha Ihor Mosiychuk iyo qof kale ayaa lagu dilay qaraxa. Mrs Okuyeva ayaana xildhibaankaa mar u ahayd lataliye.

Kiev waxaa sanadihii ugu dambeeyay ka dhacay weerarro lagu dilay siyaasiyiin magac lahaa iyo saxafiyiin.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada