R/Wasaare Khayre oo hayo Wadadii Mahatir Mohamed (Daawo Sawirro)

R/Wasaare Khayre oo hayo Wadadii Mahatir Mohamed (Daawo Sawirro)

daajis.com:- Dal walba oo dunida ka mid ah dhib wuu ka dhacaa,mid dagaalo sokeeye iyo mid dhaqaalo xumi taasoo keenta hormar la aan.Hayeeshee soomaalidaa ku maah maahda “RAQBA WAA KU RAGEEDA” hadaba waxaan leenahay dal walba waxa u kaca ragii u dhashay oo ku sameeya isbadal lagu joojiyo colaada oo dhaliya nabad ama abuura hanaan dhaqaale oo dalka lagaga saaro faqriga iyo dhibta dhaqaale.Hayeeshee waxaa xusid mudan in wiil u dhashay dalka Malesia uu ukacay dalkiisa oo ahaa mid musuqmaasuq dhaqaale iyo xatooyo xoolo dad wayne ay la hartay oo baa bi isay.

2004 ayaa Maxamed dalkiisa kanoqday raysal wasaare kadib waxa uu la dagaalamay musuqmaasuqii iyo xatooyadii hantida dadwaynaha ama dalka.2008 wuxuu soo afjaray musuqmaasuuqii waxa uu dhisay dad wadani ah oo hantida dalkooda ilaashada,markaa kadibna waxay u gudbeen inay lacag helaan lacagtaas oo awal laxadi jiray hayeeshee iyagu ay dib u galiyeen dalka kuna dhiseen dadkooda xaga aqoonta taasoo keentay inay sameeyaan waxbadan oo dibada loo iibgeeyo.10 sanadood gudahood dalka malesia waxaa ka dhacay isbadal cad iyo hormar isku filaansho dhaafay oo dhan walba ah waxaana keenay oo kaliya Maxamed oo la dagaalamay musuqa.

Maanda waxaan arkaa in soomaaliya oo mudo dhulka taalay,xaq dhaqaalo,xag nabad galyo,xag dawladeed intaba ahayd meel madhan oo eber ah in rag u kacay oo ay leedahay soomaaliya rajo sare iyo ifafaalo lagu naaloodo.Mudane khayre waxaan ku arkaa calaamadihii MAHATHIR oo waligay mana maqal mana arag taariikhda raysal wasaare soomaaliyeed oo leh waxaan helay 2000000 laba malyan oo doolar oo aan inoogu shubay bankiga qaranka soomaaliyeed ka dhaxeeya!! oo waliba inoo sheegay in aynu lasocono dhaqaalaheena oo isla xisaabtano waxna ogaano.hantidan oo ah inayroo inaga soo gaartay turkiga oo deeq ah lagu biirinayo miisaaniyada dawlada.

Runtii waxaa layiri nin gob ah xurmaa deeqda coloo shii la cayaarna dharag baa deeqda. Adeer waxaa na deeqay xurmada iyo daacadnimada wadaniyada leh ee aanaan hore u arag.Mudada yar ee khayre hogaanka hayo waxa uu ku jiraa kormeer iyo la xisaabtan hay adaha khuseeya uu dul taagan yahay isagoo u tafa xaydan u shaqaynta qarankiisa dadkiiisa iyo dalkiisa.Khayre waxaa ka baranaynaa wax dadkeena iyo dalkeena u ah mustaqbal cad iyo hormar.DHab ahaan dawladan curdan ka ah ee inoo dhalatay waxay ku socotaa wado sax ah oo rajo wayn leh maxaayeelay daacadnimaan aragnaa iyo rag dalka u shaqaynaya oo ah in qofkastoo soomaaliyeed helo sharaf dad iyo dal muuqda.

Hadaynu nahay shacabka soomaaliyeed waa inaan fadhiga ka kacnaa dalkeena iyo dadkeena u shaqaynaa oo garab siinaa wiilashaas maamulka inoo haya ee daacada ah.yaan ku halaynaynaa dalkeena hadaynaan wada jir wax u qaban?

Waxaa jira dad diidan in aan helo sharaf iyo kala danbayn iyo dawlad nimo oo inala doonaya in caruurteenu habeenkii cabsi darteed seexan kadibna aysan helin fursadii ay wax ku baran la haayeen maxaa jira naf cabsanaysaa wax ma baran karto.

Maha in aan ogolaano in caruurteena oo tacliin inoo baranaysa oo iskoolkii fasalkii fadhiya in lala dhaco madaafiic xaqmaha inaguna aan fiirsano.waa cadaw kan caruurteena laynayaa.waa inaan dawlada iyo ciidankeena xooga kaashanaa oo sheegnaa kan guryaheena ku dhuumanaya oo ina dhex jiifa kaasoo u shaqaynaya shisheeye ina baa bi i naya.KHAYRE waa dadaalaya oo dhaqalaha dalkeena inoo ilaalinayaa,magaladana mogdisho nabadeeda u tafa xaytay hadaynaan garab siin muxuu kaligii qaban karaa?

KHAYRE waxa uu doonayaa in aan helo amaan in caruurteenu wax bartaan dhalinyaradeenu shaqeeyaan hooyooyinkeen iyo aabayaasheen si xarago leh umaraan suuqooda oo helaan amaan buuxa kaasoo ay xaq u leeyihiin. Kol hadaysidaa tahay waa inaan damiir yeelanaa oo dadkeena inta hartay bad baad sanaa.Taariikhda inama soo marin dhalinyaro dalkooda u taagan oo daacad u ah diinta dadka iyo dalka oo lamid ah raga maanta ina hogaaminaya ee inoo kacay marka laga reebo halgankii sayidka iyo syl dhalinyaradii gobonima doonka.
Waxaan leeyahay soomaaliyeey fursadan dahabiga ah ka faa iidayso dibna yaan loo noqon hore aan u socono guushana waa wada leenahay kuligeen.waxaan illaah u baryayaa in RAYSAL WASAARE HEENA KHAYRE UU KU GUULEEYO HADAFKIISA AH NABAD KUSOO DABAALIDA CAASIMADA KADIBNA GOBOLADA DALKA OO DHAN KADIBNA SHAQA ABUUR MAADAAMA UU MUSUQMAASUQA LA DAGALAMAY HANTIDA DALKEENANA INOO ILAALIYAY.

intaa kadib waxaan leenahay aduunka korkiisa ku nooloow cizi iyo sharaf tan usaraysa aakhirana janadii ayaan kuugu ducaynay anagoo ah shacabkaagii. waxaa tahay hogaamiyaha wadaniyiinta soomaaliyeed ogoow in aynaan dib ulaabanaynin hadafkuna waa cad yahay jaantana waa la isla helay. waxaa jira dad aad u tiro badan oo soomaali ah oo ku fahansan naftoodana diyaar la ah inay difaacaan diinta dadka iyo dalkeena.

W/Q Yuusuf Omar 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada