Sawirro: Dhaawaca wiil da’yar oo laga soo hoos saaray bur-burka Hotel Safari

Sawirro: Dhaawaca wiil da’yar oo laga soo hoos saaray bur-burka Hotel Safari

daajis.com:-  Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa weli Meydad iyo dhaawacyo laga baadi-goobayaa dhismooyinkii ku burburay Qaraxii Sabtidii ka dhacay Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Burburka hotel Safari ayaa waxaa laga soo saaray wiil dhallinyaro ah kaas oo aan ilaa iyo iminka la sheegi karin in uu hotelka daganaa iyo in uu ka shaqeynayay.

Wiilkan ayey xaaladiisa caafimaad liidatay, balse ma aheyn mid laga deyrinayay oo waxa uu u muuqday mid kasoo kabsanaya dhaawacyada ku yaal.

Waxaa laga soo hoos saaray dhagxaan hoostooda sida ka muuqata sawirada, waxaana iminka la dhigay isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan.

Wiilkaani ayaa noqonaaya kii afaraad oo nolol lagu helo Seddex maalin kadib qarixii ka dhacay bannaanka hore ee hotelka Safari, gaar ahaan isgoyska Zoobe.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada