Sawirro: Dowladda Qatar oo gargaarkii ugu horeeyay kasoo dejisay Muqdisho iyo diyaarad milateri oo qaadaysa 30 dhaawacyo

Sawirro: Dowladda Qatar oo gargaarkii ugu horeeyay kasoo dejisay Muqdisho iyo diyaarad milateri oo qaadaysa 30 dhaawacyo

daajis.com:- Waxaa duhurnimadii maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho kasoo degtay diyaarad milateri oo dowladda Qatar usoo dirtay gurmadka dadkii ku dhaawacmay qaraxii 14-ka bisha ka dhacay magaalada Muqdisho, wuxuuna gargaarkaan isugu jiraa Daawo, dhaqaatiir iyo adeegyo kale oo caafimaad.

Diyaaraddan oo nooceeda yahay C17 ayaa sida 2 tan oo daawooyin ah, shaqaale caafimaad iyo qalab kale.Ilaa 30 dhaawac oo kuwa daran ah ayaa la filayaa inay u duuliso dalka Sudan isla markaana qarashka ku baxaya ay bixineyso dowladda Qatar.
Safiirka Qatar ee Soomaaliya Cumar Idiris ayaa sheegay in diyaaradan sida gurmadka caafimaad ay sidoo kale la socdaan 30 shaqaale caafimaad oo qaabilsan badbaadinta dhaawacyada, waxayna diyaaraddu inta ay dhaawacyada ay qaadeyso saaran yihiin ay heli donaan baxnaano caafimaad.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada