SAWIRRO: Madaxwayne Farmaajo oo lagu soo dhoweeyay Itoobiya

SAWIRRO: Madaxwayne Farmaajo oo lagu soo dhoweeyay Itoobiya

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriaydda Federaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Isniin ah gaarey magaalada Adis Ababa, tan oo ah lugtiisi labaad safar uu ku maraayey dalalka deriska ah.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doona Raysalwasaraaha Itoobiya, waxaana uu kala hadlayaa sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa la dagaalanka al-Shabaab kadib qaraxii xoga weynaa ee dhacay 14 Oktoobar oo lagu diley 352 qof.

Waa safarkii Labaad ee Farmaajo ku tago Itoobiya tan iyo markii loo doortey xafiiska, waxaana uu ka baaqsadey laba shir oo Itoobiya lagu qabanaayey, kuwaas oo uu ka qaybgalay raysalwasaare Kheyre.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada