MUUQAAL: Faysal Waraabe oo dagaal ugu hanjabay Buuhoodle iyo weerar uu Ku Qaaday Garaad Soofe iyo Puntland

MUUQAAL: Faysal Waraabe oo dagaal ugu hanjabay Buuhoodle iyo weerar uu Ku Qaaday Garaad Soofe iyo Puntland

daajis.com:-Faysal Cali Waraabe oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa ayaa ugu horayn wuxuu sheegay in Heshiiskii Somaliland ay la gashay Madaxwaynihii khaatumo Cali Khaliif uu yahay guul ay gaadheen, Islamarkaana uu ahaa mid midaynaya Somaliland.


Dhinaca kale Faysal ayaa Wuxuu dagaal ugu Hanjabay magaalada Buuhoodle, Wuxuuna Aflagaado iyo digniin u jeediyey Garaad C.risaaq Garaad Soofe oo ah Garaadka Guud ee Gobolka Cayn, Isagoo sheegay inuu Rabshad ka wado Buuhoodle, Wuxuuna sheegay inuusan Buuhoodle ku xidhi karin Dawladda Soomaaliya.

“Buuhoodle Shan Daqiiqo ayaanu ku Qabsan karaa, Waxaanu diidaynaa inay Dhibaato Dhacdo, Hadii aan doorashada kusoo baxo Buuhoodle kuu Rahmanaan mayso, Waxaana eedaasi leh in Buuhoodle maanta Xamar lagu xidho Dawladihii iga Horeeyay “ Ayuu yidhi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sidoo kale Hanjabaad u diray Puntland . “Xabadu markay dhacdo ayuu iska tagayaa Ninka Reer Garoowe, oo Laascaanood waa tii ka dhacday, C.wali gaas waxaan leeyahay Balan waxaa nagu ah inaanu Garoowe Nimaadnimo, Dulqaadkii wuuu naga dhamaaday.” Ayuu hadalkiisa Raaciyey.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada