Sucuudiga oo kumanaan Imaam Masaajid u ceyriyay Xagjirnimada

Sucuudiga oo kumanaan Imaam Masaajid u ceyriyay Xagjirnimada

daajis.com:- Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in ay Shaqada ka ceyrisay Kumanaan Imaamyo Masaajid ah oo ay ku eedeeysay xagjirnimo,Argagixisanimo iyo ku talax tag diimeed.

Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga Caadil Al-Jubeyri ayaa wariyayaasha ugu sheegay Magaalada Moscow ee Dalka Ruushka in Kumanaan Imaam laga ceyriyay Masaajidka kaddib markii lagu arkay fikradaha xagjirnimada iyo naceybka Bani’adamka.

Wasiirku waxaa uu dowladda Qadar ku eedeeyay in ay maal geliso argagixisada,sidoo kalena adeegsato Barabagaando warbaahineed,iyada oo faro gelin ku sameysa arrimaha gudaha Waddamada kale,waxaana uu intaas raaciyay in ay go’doonka ku sii jiri doonto inta ay buuxineysoi shuruudaha ay hordhigeen.
Imaamyada ayuu ku eedeeyay in ay baahinayaan fikradaha xagjirnimada,naceybka iyo xumeynta dadka kale,waxaa kale oo uu Moscow ka sheegay in Dowladda ay dib u eegis ku sameyn doonto hannaanka Waxbarashada dalkaas oo uu sheegay in ay dowladda wax badan ka qaban doonto.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada