Brazil oo loo gacan qabta Xulka Somalia taas ooy ugu badiyeen dirqi(Sawirro)

Brazil oo loo gacan qabta Xulka Somalia taas ooy ugu badiyeen dirqi(Sawirro)

daajis.com:- Xulka Kubad Cag yaraha Soomaaliya ee ka qeyb galaya tartanka Kubad Cagyaraha Adduunka ee ka socda Tunisia ayaa kulankoodii ugu horreeyay Guul darro kala kulmay Dalka Brazil.

Xulka Soomaaliya oo qeyb ahaan ka ciyaar fiicaan kuwa Brazil ayaa la hormaray goolka 1aad waxaana Soomaaliya u saxiixay Daahir Cali oo ka ciyaara difaaca Nambarka 6aadna u watay Xulka Soomaaliya.

Xulka Brazil ayaa la yimid gool aad u quruxbadan oo madax ahaa,waxaana Ciyaarta qeybta hore ku dhamaatay 1-1,markii la isu soo laabtay ayaa xulka Qaranka Soomaaliya mar kale la wareegay hoggaanka,waxaana mar kale shabaqa soo taabtay Daahir Cali.

Hayeeshee Garsooraha Kulanka ayaa Kaarka cas Garoonka uga saaray xiddigga Nambarka g5aad ee Xulkeenna Soomaaliya,waxaana kaddib Soomaaliya laga dhigay Gool kulaad,taas oo ciyaarta ka dhigtay Bar barro 2-2 ah.

Intaas kaddib dhamaadkii Ciyaarta xulka Brazil ayaa helay goolka guusha waxaana ay Ciyaarta ku soo dhamaatay 3-2 oo ay Guusha ku raacday Xulka looga Cabsado Kubadda ee Brazil.

Somaliya waxaa ay Guruubka C, ka kula jirtaa xulalka Ruushka,Bosnia iyo Brazil,waxanaa u dhiman oo ay la ciyaari doontaa xulalka Ruushka iyo Bosnia.

Maxaa laga bartay Ciyaarta?


Intii kulanka uu socday xulka Brazil waxaa ay heleen 4 gees ka laad,14 shuut,halka Soomaaliya ay sameysay 5 shuut,gees ka laad ma aysan helin,14 qalad ayaan galnay,3 Kaar oo hurdi ah iyo hal casaan ah.

Inta ciyaarta socotay Soomaaliya ayaa ku fiicneyd kubad heysiga waxaana 62%Ciyaarta maamulayay Wiilasha Soomaaliya halka kuwa Brazil ay Ciyaarta maamulayeen 38%,taas oo muujineysa in Brazil looga fiicnaa kubad heysiga.


Dhinac Soomaaliya waxaa taageerayay Ajaanib,kuwaas oo ku dabaal degayay marka ay Soomaaliya Gool dhalisaba Calanka Soomaaliya,waxaana muuqaalka Garoonka ku yaraa tirada Soomaalida ee taageerayaasha ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada