Talaabo uu qaaday Wasiir Yuusuf Garaad oo Muran iyo ismari waa ka dhalisay Wasaarada Arrimaha Dibadda

Talaabo uu qaaday Wasiir Yuusuf Garaad oo Muran iyo ismari waa ka dhalisay Wasaarada Arrimaha Dibadda

daajis.com:-Xog lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Wasaarada Arrimaha Dibada Somalia ayaa sheegaya in ismari’waa uu ka taagan yahay hanaanka loo qeybinaayo Safaaradaha dowlada ee caalamka.

xogtu waxa ay sheegayaan in Safaaradaha qaar ay ku dhagan yihiin beelo gaar ah, halka Wasaarada arrimaha dibaduna ay kasoo horjeedo.

Beelaha qaar ayaa Wasaarada ka dalbaday in Safaarad weliba loo magacaabo beesha Safiirka laga qaadayo xilka, halka ay Wasaaradu wado qorsho isku shaandheyn ah, waxaana xusid mudan inay jiraan beelo aan Kuraas ku laheyn Golayaasha dowlada, balse ay ku magacaaban yihiin keliya Safaarado.

Ismari’waaga ayaa xoogiisa u dhexeeya Wasaarada arrimaha dibadda iyo Beelaha la qorsheeyay in laga qaado Safaaradaha ay ku magacaaban yihiin, walow ay jiraan warar sheegaya in Villa Somalia ay qeyb ka tahay ismari’waaga.

Safiirada loo yeeray ee la badalayo isla markaana dhaliyay ismari’waaga ayaa waxaa kamid ah:

1-Safiirka Somalia ufadhiya dalka Jabuuti

2-Safiirka Somalia ufadhiya Suudaan

3-Safiirka Somalia ufadhiya Imaaraadka

5-Safiirka Somalia ufadhiya Kuwait

6-Safiirka Somalia ufadhiya Zambia

7-Safiirka Somalia ufadhiya Uganda

8-Safiirka Somalia ufadhiya Qadar
Dhinaca kale, dowlada Federaalka ayaa Safaaradaha ugu miisaanka culus u magacaabeysa xubno ku dhow dhow Madaxweynaha Somalia si ay u xoojiyaan xiriirka dalalka ay ku magacaaban yihiin iyo kan dowlada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada