Xidhibaan Xidig “Fiqi uma hanjabi karo Farmaajo”

Xidhibaan Xidig “Fiqi uma hanjabi karo Farmaajo”

daajis.com:- Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig oo hadda ku sugan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa jawaab ka bixiyey hadaladii dhawaan la isla dhex marayey baraha Bulshada ee uu sheegay Fiqi kaasoo markii dambe isna sheegay inuusan sidaas ula jeedin.

Xiddig oo fartiisa Facebook soo dhigay qoral xasaasi ah oo ay ka muuqatay dhex dhexaadnimo ayaa sheegay inaan Farmaajo loo hanjabi karin balse la dhaliili karo kaliya.

Wuxuu Farmaajo ku eedeeyey inuusan waayo aragnimo siyaasadeed laheyn sidaas darteedna ay khasayaan shakhsiyaad uu sheegay inay ka hoos shaqeeyaan.

Wuxuu sheegay in wax kasta oo qaldan uu ogyahay balse ay tahay inay sheekada dhaliil iyo in qaladka la is tuso ay ku ekaato.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso hadalka uu Xiddig soo dhigay Bartiisa Facebook:

Asc, Dhamaantiin xili kasta iyo meel kasta oo aad kala joogtaan.

Qoraalkani wuxu ku socdaa Saxibkay xildhiban Ahmed Moalin Fiqi,

Waxan dhageystay Waraysi aad bixisay oo fasiraado kala duwan laga bixiyay, balse inta badan bulshadu u fasirtay hanjabaad ku socota Madaxweyne Farmajo iyo Faan ahaa in Beeshaadu dumisay Dowladi kacaanka.

Hadiiba shacabka soomaaliyeed Iska ilaaway cidii masuulka ka ahayd Dagaalkii sokeeye looma baahna in Dadka somaliyeed la xususiyo xiligii adkaa ee lasoo maray iyo cidii masuulka ka ahayd mana jirto cid mahadisay oo ka faaiiday.

Arinta Galmudug iyo Guud ahaan Dowlad Goboleedyada waa Danbi Qaran hadii leysku dayo in la burburiyo ama la khalkhaliyo dhamaanteena waxan u taaganahay ilaalintooda iyo kobcintooda.

Anigu markaan Qiimeeyay xaalada hada jirta iyo mushkiladaha midiba mida kale kasii daran tahay ee mudo kooban Taliska Madaxweyne Farmajo soo foodsaaray waxaa ka muuqda waayo aragnimo la,aan iyo talo xumo aan filayo inay sabab u yihin Shakhsiyaad aad ugu dhaw madaxweynaha oo isaga ruuxiisa fashilinaya Xaalad kastana ka dhigaya DAB BAASIIN KU DAMI.

Ugu danbayn Madaxweyne Farmaajo wuxu si fool xun u dhex dabaalanayaa mowjado midiba mida kale kasii adagtahay waxaanse saxibkay fiqi u sheegayaa Farmaajo waa la dhaliili karaa lakiin looma hanjabi karo,

sidaas darteed waxaan kuu soo jeedinayaa inaad fasirad ka bixiyo ujeedada hadalkaga . Hadad ula jeedo sida loo fasirtayna aad raali gelin degdeg ah ka bixiyo.

Waana in laga wada shaqeeyo midaynta shacabka iyo dayactirka dhismayasha uu wali ka muuqdo burburku.
Higsiga mustaqbalka iyo midaynta Shacabka Soomaaliyeed meelkastoo uu joogo waa muqadas.

Hon. Abdirashid Xidig, Kismaayo. Jubaland.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Brothers Group, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Google+ Followers