XOG: Dadkii ka danbeeyay Dilkii khaarijinta ee ka dhacay Xamarweyne oo gacanta lagu dhigay

XOG: Dadkii ka danbeeyay Dilkii khaarijinta ee ka dhacay Xamarweyne oo gacanta lagu dhigay

daajis.com:- Wararka ku dhowdhow saraakiisha amniga magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gacanta lagudhigay dableydii ka dambeysay dilkii khaarijinta ahaa ee ka dhacay 27-kii bishan September ka dhacay degmada Xamarweyne.

Weerarka oo lagu khaarijiyay Xoghayihii ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Canab C/laahi Xaashi oo ahayd iyo Axmed Jaamac Xersi oo ay dhashay guddoomiyaha ururkaasi Batuula Sheekh Axmed Gaballe ayaa wararku sheegayaan in loo xiray askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Xogta saraakiisha ammaanka ayaa sheegeysa in askariga loo xiray falkan uu ka mid ahaa ciidamada ammaanka, iyadoo natiijadii kasoo baxday baaritaan iyo dabagal lagu sameeyay falkan ay maalinta berri ah shaacin doonaan Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow iyo Taliska Booliska.



Wasiirka Amniga ayaa ku hanjabay in mas’uuliyiin badan ay xilkooda ku weyn doonaan arrintan ama uu isagu is casili doono haddii aan la helin wax cad oo shacabka loo sheego, wuxuuna amar ku bixiyay in Axadda berri ay natiijo cad sugayaan.
Kiiskan oo faahfaahintiisa ay saraakiisha amniga ka gaabsadeen ayaa laga sugayaa inuu shaaciyo wasiirka amniga, iyadoo uu lugaha la galay askar ka tirsan ciidamada ammaanka oo laga shakisan yahay inay xiriir la lahaayeen Alshabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada