Ciwaanka Twitter-ka ee Donald Trump oo hawada looga saaray (Maxaa dhacay)

Ciwaanka Twitter-ka ee Donald Trump oo hawada looga saaray (Maxaa dhacay)

daajis.com:- Barta uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku leeyahayTwitter-ka ayaa si kooban hawada looga saaray shalay, wax yar ka dib uu hawada ku soo laabtay, sida ay sheegtay shirkada leh bartan ay bulshadu ku xiriirto.


Shirkadda Twiiter ayaa waxay sheegtay in ciwaanka @realdonaldtrump hawada looga saaray si aan ula kac ahayn, ayna ahayd khalad bani’aadan oo ka dhacay qof u shaqeeya Twitter-ka.

Ciwaanka madaxweynaha ayaa hawada ka maqnaa11 daqiiqo, Twitter-ka ayaana hadda baaritaan wada.

Trump ayaa aad u isticmaala Twitter-ka waxaana wararkiisa ku xiran 41.7 milyan, walina kama hadlin arrintan.

Dadkii booqday ciwaanka madaxwaynaha fiidnimadii Khamiista wakhti kooban waxay arki kareen fariin oranaysa “ciwaankaas ma jiro!”.

Ciwaanka markii uu dib u shaqeeyay Trump wuxuu markii u horaysay soo dhigay qorshaha xisbiga jamhuurigu uu ku doonayo in uu ku dhimo canshuurta.
Trump ayaa si joogto ah u iisticmaala bartan si uu ugu faafiyo afkaarihiisa, sidoo kale wuxuu ku weerarayay dadka ka soo horjeeday intii ay socotay ol’olihii doorashada ee 2016kii iyo intii uu xilka la wareegay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada