MUUQAAL: Madaxweyne Farmaajo oo shir gudoomiyay shirka golaha Amniga

MUUQAAL: Madaxweyne Farmaajo oo shir gudoomiyay shirka golaha Amniga

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta shir guddoomiyay shirka Golaha Amniga Qaranka, kaasoo ay ka qeyb galeen Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, Golaha Wasiirada iyo Saraakiisha Ciidamada.


Shirkan ayaa looga hadlayay siyaasadda ammaanka qaranka iyo sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Shirkan oo ah kii labaad oo ammaanka Qaranka lagaga tashanayo waxaa lagu wadaa in la isku raaco sidii loo qaadi lahaa hawlgal midaysan oo Al-Shabaab lagaga saarayo dalka laguna soo celinayo kala danbaynta iyo amaanka wadanka oo dhan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shirka ka sheegay in loo baahan sidii loogu diyaar garoobi lahaa dagaal ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana looga saari lahaa deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Waxaa kaloo shirka looga hadlay qorshaha Difaaca Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Difaaca iyo dhismaha ciidamada qalabka sida.

Shirkan ayaa ahaa mid ka baxsanaa shirka Wadatashiga ee Madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada uga socda magaalada Muqdisho, kaasoo galay maalintii shanaad.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada