Daawo: Dhalax-sugaha Sacuudiga oo ku tilmaamay Hoggaamiyaha dalka iiraan Hitler-ka Barigga Dhexe Iyo Xiisad

Daawo: Dhalax-sugaha Sacuudiga oo ku tilmaamay Hoggaamiyaha dalka iiraan Hitler-ka Barigga Dhexe Iyo Xiisad

daajis.com:- Dhaxalsugaha awoodda badan ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa ku tilmaamay Hoggaamiyaha Ruuxiga Iiraan Aaytolah Ali Khamenei Hitler-ka cusub ee Barigga Dhexe.

Wareysi uu khamiistii siiyay Wargeyska New York Times ayuu mar kale sii xoojiyay hadalada kulul labada dal ee xifaaltanka ka dhaxeeyo hawada isu marinayeen.

Boqortooyada Sunniga ah ee Sacuudiga Carabiya iyo dowladda Iiraan ee Shiicada ah ayaa kala taageeraya dhinacyada dagaalada iyo siyaasada isaga soo horjeeda ee Gobolka

Amiir Maxamed Bin Salmaan oo sidoo kale ah wasiirka Gaashaandhigga saaxib dhow la leh Mareykanka ayaa soo jeediyay in laga hortago is ballaarinta uu wado Maamulka uu hoggaaminayo Ayatollah Ali Khamenei.

“Ma dooneyno wixii ku dhacay Yurub in Hitler-ka Iiraan uu ka dhigo Barigga Dhexe”ayuu yiri Amiir Salmaan, isagoo mar kale dab ku sii shiday khilaafka u dhaxeeya Sacuudiga iyo Iiraan.


Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa lagu wadaa inuu aabihii kala wareego talada Boqortooyada Sacuudiga Carabiya, waxaana durba wiilkan da’da yar uu bilaabay inuu is bedel ku sameeyo nidaamka boqortooyada.

Iiraan iyo Sacuudiga oo ah labada dal ee ugu weyn Barigga Dhexe ayaa waxaa ka dhex taagan xiisad siyaasadeed, waxaana hardanka labada dal u dhaxeeya uu ku sii fidayaa gobolka, sida Suuriya, Yemen iyo Lubnan oo uu Sacuudiga taageerayo Ra’iisul Wasaare Sacad Xariiri oo labo todobaad ka hor ku dhawaaqay inuu is casilay, xilli uu booqanayay Sacuudiga, balse dhowaan ka laabtay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada