Daawo: Gudoomiye Taabid oo Muqdisho Ka Sameeyay arrin Ku dayasho mudan

Daawo: Gudoomiye Taabid oo Muqdisho Ka Sameeyay arrin Ku dayasho mudan

daajis.com:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa maanta taageero caafimaad u fidiyay wiil 7 sano jir ah oo qaba wadno xanuun, kaasoo xaaladiisa caafimaad dalka wax looga qaban waayay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa kafaala qaaday caafimaadka wiilkan, isagoo guddoonsiiyay Viiso caafimaad oo dalka Turkiga ah isaga iyo waalidkiisa.


Wiilka yar ee qaba wadno xanuunka oo lagu magacaabo Maxamed Cumar Maxamed ayaa qoyskiisa la murageysnaa xaaladiisa caafimaad kaddib markii lagu wargeliyay in aan dalka waxba looga qaban karin.

Guddoomiyaha degmada Boondheere iyo shacabka ku dhaqan degmada ayaa fariintan gaarsiiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyadoo maanta uu Guddoomiyaha ka jawaabay fariintaas, isla markaana guddoonsiiyay wiilka yar ee xanuunsan iyo aabihii Viiso Caafimaad oo Turkiga ah.

“Maanta waxaa nagala rabaa inaan isku gurmano, waana waajib qof kasta saaran, dadka xaafada degan iyo Guddoomiyaha Boondheere inay nagu soo wargeliyaan in dhibkaas jiro , anaga wixii aan qaban karo ku dadaalno”ayuu yiri Guddoomiye Taabid oo intaa ku daray inay ku ogaan doonaan xaaladiisa marka wiilka uu galo isbitaal ku yaal Turkiga.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa u rajeeyay Maxamed Cumar Maxamed safar caafimaad oo guul leh, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay duco la garab taagnaadaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada