Daawo: Magaalada Baraawe oo isbedel weyn sameysay, Maxaadse ka taqaan ?

Daawo: Magaalada Baraawe oo isbedel weyn sameysay, Maxaadse ka taqaan ?

daajis.com:- Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose oo caasimad u ah Maamulka Koofur Galbeed ayaa isbedel weyn sameysay wixii ka dambeyay markii caasimad laga dhigay.


Baraawe oo Magaala xeebeed ah ayaa dib ula soo noqoneysa Bilicdii ay laheyd,waxana dib usoo kabanaya kaabayasha dhaqaale ee Degmada sida Kaluumeysiga iyo wax soo saarka beeraha.

Sidoo kale waxaa dib u habeyn xoogan ay ku socotaa dhismaha guryaha iyo dabaqyada Magalada,waxana caadi kusoo noqday xarumaha adeegga Bulshada sida Waxbarashada,Caafimaadka iyo Ganacsiga.

Baraawe oo sanado ka hor xarun u aheyd ururka Alshabaab waxa hadda laga dhisay Madaxtooyada Maamulka Koofur Koofurgalbeed,sidoo kale waxa uu dhisme ku socdaa Garoonka Diyaaradaha,waxaana xigi doona sida qorshuhu yahay dhismaha Dekadda Baraawe.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada