Madaxweyne Farmaajo oo Ka qayb galaya Shirka Wadamadda Midowga Afrika Iyo yurub,Maxaa laga filan karaa?

Madaxweyne Farmaajo oo Ka qayb galaya Shirka Wadamadda Midowga Afrika Iyo yurub,Maxaa laga filan karaa?

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gaaray caasimada dalka Ivory Coast ee Abidjan ayaa waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Félix Houphouët-Boigny Madaxweyne ku xigeenka dalkaas Daniel Kablan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Marcel Amon Tanoh iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda dalkaas.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa ay uga qayb galayaan magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast shirka 5aad ee madasha iskaashiga wadamada Midowga Afrika iyo Midowga Yurub.

Shirwaynaha hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub oo labo maalmlood socon doona ayaa waxaa lagaga wada hadli doonaa mustaqbalka xiriirka labada dhinac, kor u qaadista iskaashiga ee dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqul iinsaanka, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo gooni gooni ah waxa uu la yeelan doonaa qaar kamid ah madaxda halkan isugu yimid si loo sii xoojiyo xiriirka iskaashi ee ay Soomaaliya la wadaagto dalalkaas.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar, Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka, Safiirrada Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo Midowga Afrika iyo La-taliyeyaal.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada