MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Kiciyey Dhalinyarada iyo Boqalaal isku Diyaariyey Xoraynta iyo Difaaca Dalka

MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Kiciyey Dhalinyarada iyo Boqalaal isku Diyaariyey Xoraynta iyo Difaaca Dalka

daajis.com:-  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta kula kulmay dugsiga Tabbarka Ciidanka Booliska ee Jenaaral Kaahiye 600 oo dhalinyaro ah oo si mutadawacnimo ah ugu istaagay in ay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.


Boqalaalka dhalinyarada ah ee uu la hadlay Madaxweynuhu waxa ay xaqiijiyeen sida ay uga go’antahay in ay furimaha dagaalka ku weheliyaan Ciidanka Xoogga si ay uga qayb qaataan difaaca dalka iyaga oo u huraaya naftooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey dhallinyarada sida ay uga dhiidhiyeen falalka arxan darrada ah ee argagixisada Alshabaab ay ku hayaan Shacabka iyo Goa’aanka geesinimada ah ee ay u qaateen sidii ay qayb uga noqon lahaayeen difaaca dalka.

“Waxaad tihiin dufcaddii ugu horraysay ee dhalinyaro ah oo ka jawaaba baaqaygii, una istaagay in ay nafootada u huraan dalkooda, in ay u dhintaa diintooda, in ay difaacdaan dadkooda. Waxaad tihiin Mustaqbalka Soomaaliya. Waddan walba oo xaaladahan oo kale ay la gudboonaadaan waxaa badbaadiya dhalinyaradiisa.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada