Sawiro: banaanbax rabshado wato oo ka dhacay Boosaaso iyo dhimasho ka dhalatay

Sawiro: banaanbax rabshado wato oo ka dhacay Boosaaso iyo dhimasho ka dhalatay

daajis.com:-Magaalada Boosaaso ee ee Xarunta Gobolka Bari Puntland ayaa waxaa ka socodo banaanbax aad u weyn oo wato Rabshado.

Suuqyada Magaalada Boosaaso ayaa gebi ahaanba irdaha loo xiray kadib markii ay dhaceyn banaanbaxyo rabshado wato oo  keenay dhimasho iyo dhaawac.

Wariyaasha ku sugan Boosaaso ayaa waxa ay soo sheegayaan in dhaq dhaqaaqa Ganacsi ee Suuqa ay xireen dadweyne ka careysan Sicir barar waayadaan ka jira Suuqa Magaalada Boosaaso.

Banaanbaxayaasha careysan ayaa dhagxaan iyo Jiingado ku xiray laga soo bilaabo Suuqa Caanaha Boosaaso iyo Xarunta Dowladda Hoose.

Waxaa sidoo kale rasaas ku ridaya Ciidamada Puntland dadkaas taas oo sababtay dhimashada hal qof iyo dhaawaca 5 ruux oo kale xaalada ayaana hadda ah mid kacsan.
Wararka hadda naga soo gaarayo halkaas ayaa sheegayo inay xaaladda dagan tahay isla markaasna la kala diray banaanbaxayaashii isugu soo baxay jidadka Magaalada Boosaaso.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada